U bood dhigaalka

Akhriso: Casho, Qado iyo Kulamada Aan Rasmiga aheyn ee Farmaajo iyo Den, Madoobe

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu xalay kulan casho ah la qaatay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Ilo la socda madaxda dowlad goboleedyada oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in cashada kahor  iyo kadibba ay wada hadleen madaxda iyaga oo isla soo qaaday arrimaha cakiran, kala shakiga iyo sida looga gudbi karo.

Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale maanta kulan qado ah la leh madaxda dowlad goboleedyada ayaa iskudayeya inuu dejiyo carada mas’uuliyiinta iyo shakiga ay ka qabaan maamulkiisa iyo sida uu wax u wado.

Madaxweyneyaasha Deni iyo Madoobe ayaa talaadadii markii ay Muqdisho yimaadeen waxa ay kulamo la qaateen beesha caalamka kahor inta aaney la kulmin Farmaajo iyaga oo sida muuqata helay damaanad qaad la xiriira cabashadooda.

Labada nin ayaa lagu wadaa iney saacadaha soo socda wada hadallo toos ah la galaan maamulka Farmaajo, lagana hadlo arrimaha doorashada, Dhuusamareeb 3 iyo cabshada ay arrimahaas ka qabaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Deni iyo Madoobe ay ku doodi doonaan in wax laga badalo natiijada Dhuusamareeb 3 sida in sanadkan aan doorasho lagu gelin nidaamka xisbiyada badan, in meesha laga saaro guddiga doorashada ee Xaliimo Yarey iyo in la balaariyo kaalintooda.

Goobjoog News