U bood dhigaalka

Akhriso: Cidda Ku Guuleysatay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle

Sheeko:Amniga

Xildhibaannada golaha wakiillada maamulka Hirshabeelle ayaa goordhow doortay guddoonka Baarlamaanka maamulkaasi, kadib doorasho galinkii dambe  ka dhacday magaalada Jowhar ee caasimadda u ah.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa ku tartamay murashaxiinta kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir), waxaana codad gaarayo 77 ku guuleystay  ayaa  C/xakiin Luqmaan, murashaxii la taylamaayey uu helay 21 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad, kaas oo ay ku tartamayeen Murashaxiiinta kala Xildhibaan Siraaji Shiikh Isaaq, waxaana tartanka isaga baxay oo ka tanaasulay  Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame, siraaji ayaana sisaas ugu guuleystay.

Dhinaca kale Xildhibaannada ayaa guddoomiye ku-xigeenka labaad u doortay Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo helay 85 cod, halka Xildhibaan Canab Axmed ay heshay 10 cod, halka afar cod ay halaabeen.

Goobjoog News