U bood dhigaalka

AKHRISO: Dacwadda Uu Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Ka Gudbiyey Hay’ad Magaciisa Ku Kireysay Markab Shixnad Wada

Sheeko:Dalka

Goobjoog News waxay idiin soo gudbineysaa warqad uu 9-kii bishan xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir u gudbiyey xafiiska Xeer-ilaalinta taasi oo uu kaga dacwoonayey hay’ad isticmaashay magaciisa islamarkaana markab la sheegay inuu shixnad gargaar ah wado kusoo rartay magaciisa iyo warqado aqoonsigiisa ah.

Xildhibaanka ayaa cadeynaya in aanu jirin wax uu kala socdo arrintaasi, islamarkaana uu dacwad ka yahay, waxaana uu sheegay in dhammaan waxyaabaha isaga quseeya ee la deegsaday yihiin kuwo been abuur ah.

Hadaba warqadda uu xildhibaan Faarax C/qaadir gudbiyey ayaa sidan u qorneyd:-

 

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Tar: 09-06-2016

Ku: Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka                   Muqdisho

Og: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed          Muqdisho

Uj: Cabasho

Anigoo ah Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir, ah muwaadin Soomaaliyeed, kana mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliyeed, waxaan halkaan dacwad u gudbinayaa Xafiiska Xaeer-ilaalinta Qaranka, aniga oo ka cabanaya arrimaha soo socda:

  • Taariikhdu markey ahayd 07-06-2016, waxaa isoo gaaray macluumaad ah in uu jiro markab la yiraahdo MV-Liberty, oo laga leeyahay dalka Kenya in uu qaaday shixnad loogu magac daray Gargaar Bini aadannimo oo loo qaadayey dalka Yemen, ayna direysay Hay’ad lagu sheegay magaceeda Islamic Charity Foundation, kana diiwaan gashan sida ay sheegteen dalka Kenya. Dadka shixnadda gargaarka lagu sheegayo raray waxay ku andacoodeen iyadoo adeegsanayo nuqul warqad aqoonsi oo aan anigu leeyahay

 

  • Hadaba waxaan u caddeynayaa Xafiiska sharafta leh ee Xaeer-ilaalinta Qaranka arrimaha soo socda:

 

  1. In aysan jirin, aanan aqoonin, maqlinna, wax xiriir ahna aan la yeelan hay’adda lagu magacaabo Islamic Charity Foundation, isla markaana aanan ka qayb galin diiwaan gelinteeda oo lagu sheegay inay ka dhacday dalka Kenya 05 bishii Maarso, 2015.

 

  1. In aysan jirin wax shixnad gar-gaar bani aadannimo oo aan u diray dalka Yemen.

 

 

  1. Waxaan halkaan ka caddeynayaa in isticmaalka magacayga amaba warqaddayda aqoonsiga ee la xiriira hay’addaas amaba shixnaddaa uu yahay been abuur, xadgudub, sumcad dil iyo faldambiyeed abaabulan oo wax loogu dhimayo shakhsigayga ayna xambaarsan tahaya dhiillo colaadeed oo saamayn ku yeelata aniga, qoyskayga iyo asxaabtaba.

 

  • Sidaas daraadeed waxaan ka codsanayaa xafiiska sharaafta leh ee Xeer-ilaalinta Qaranka in arrintaan lagu sameeyo baaris qoto dheer islamarkaasna sharciga la horkeeno cid kasta oo lug yeelata fal dabiyeedkan.

 

Lifaaq:Waxaan cabashadaan kugu soo lifaaqay dhammaan dokumentiyadii aas-aaska u ahaa dacwadaan oo gaaraya 32 bog, kuwaas oo aan aamin sanahay in ay wax weyn ka tari doonaan baaritaanka cabashadeyda.

Mahadsanin

Waxaa warqaddan ku saxiixnaa xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Farah d

Farah d1

Hadaba Goobjoog News ayaa waxay xilli dhow idiin soo gudbin doontaa  dokumentiyada uu xildhibaanka sheegay inay gaarayaan 32 bog oo uu sheegay in wax badan ka tari doonaan dacawada uu soo gudbiyey.

Goobjoog News