U bood dhigaalka

Akhriso: Dadaallo Xal Loogu Raadinayo Hogaanka Villa Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Socda

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Muqdisho ka socda dadaalo xal loogu raadinaayo khilaafka ka dhex taagan labada xafiis ee ugu sareyso dalka.

Dadaaaladaan oo ay hor kacayaan madaxweynayaashada dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cabdi casiis Xasan Maxamed ayaa kulama kala gedisan waxa ay saacadihi la soo dhaafay la qaateen Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyadaan oo Muqdisho ku sugan ayaa waxa ay xalay kulan la qaateen Ra’iisul wasaare Rooble kulankaas oo aan illa iyo hadda natiijo mira dhal ah aysan ka soo bixin.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa la sheegay in uu weli ku adkeysanayo in Sareeye Guud Bashiir Goobbe uu yahay taliyaha NISA iyo in kiiska Ikraan aan xal looga gaarin meel aan Maxkamad aheyn.

Madaxweynayaashaan ayaa sidoo kale Farmaajo kulan ay la qaateen waxa ay kala hadleen sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka.

Maanta ayaa lagu wadaa dadaalada ay wadaan Qoor-qoor iyo Lafta-gareen in lagu kulmiyo Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda.

Khilaafka Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka dhashay xil ka qaadista Fahad Yaasiin oo ahaa Taliyihii hore ee NISA, kaas oo lagu tuhun san yahay in uu qeyb ka ahaa waayitaanka Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaalad dhalinyaro ah oo ka tirsaneyd NISA.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo gudbiyay gal dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasin iyo xulafadiisa kuwaas oo waalidiinta Ikraan ay codsadeen in Baaritaan lagu sameeyo.

Goobjoog News