U bood dhigaalka

Akhriso: Dagaal Ka Dhacay Baladweyne iyo Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalda Baladweyne ee  xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in maamulka gobalka uu bandow ku soo rogay magaalada kadib mudahaaradyo iyo dagaallo ka dhacay gudaha iyo banaanka magaalada.

Ciidama ka tirsan kuwa 27-add ee xoogga dalka iyo kuwa ka amar qaata maamulka gobalka Hiiraan iyo Ciidama uu wato sarkaal lagu magacaabo Nuur dheere  ayaa la sheegay in dagaal saacado qaatay uu ku dhexmaray deegaanka Qawlad oo banaanka ka ah magaalada Baladweyne ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka gobalka uu hor kacayo ay weerar ku aadeen deeganka Qawlad oo ay ku sugan yihiin ciidamada ka amar qaata sarkaalka, halkaas oomarkii dambe uu ka dhashay dagaal saacado qaatay.

Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Qawlad ka dhacay, xilli ay xusid mudan tahay in maalmo yar ka hor sarkaalkan uu weerar ku soo qaaday magaalada Baladweyne.

Sarkaalka iyo ciidamadiisa ayaa ka gadoodsan dhismaha maamulka Hirshabeelle, iyadoo tan iyo sidii loo doortay madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ay qar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka degan gobalka Hiiraan ay diidan yihiin doorashadiisa.

Dhanka kale xaafadaha waaweyn ee magaalada Baladweyne ayaa maanta waxaa ka dhacay isku soo baxyo balaaran oo ay dhigayeen dadka shacabka ah kuwaas oo lagu diidan yahay dagaalka maamulka gobalka Hiiraan uu ku qaaday sarkaalka lagu magacaabo Nuur dheere.

Ciidamada ayaa rasaas ku kala eryay shacabka banaanbaxa dhigayay kuwaas oo adeegsanayay erayo ka dhan ah maamulka gobalka iyo kan Hirshabelle.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Xuseen ayaa dhankiisa goor dhaw mandaw ku soo rogay magaalada Baladweyne.

Maamulka ayaa sheegay in ay bandowgan kaga gol-leeyihiin sugidda amniga magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

”  Si loo xaqiijiyo Amniga magaalada Beledweyne loogana hortago wax walbo oo khalqal helin karo amniga magaalada Beledweyne ayaan kuaoo rognay Bandowga”ayaa lagu yiri war ka soo baxay maamulka Gobalka Hiiaan.

Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa labadi maalin ee la soo dhaafay aheyd mid kacsan iyadoo illa iyo hadda aan maamulka Hirshabeelle go’aan rasmi ah ka soo saarin xaaladda.

Horay ayeey aheyd markii dagaallo nuucan oo kale ah magaalada uga dhaceen kuwaas oo lagu diidan yahay imaanshiyaha mas’uuliyiinta ka socota Hirshabeelle.

Goobjoog News