U bood dhigaalka

Akhriso: Dagaal Ka Socda Afghanistan

Sheeko:Amniga

Dooxada Panjshir  ee dhacda waqooyi bari dalka Afghanistan ayaa laga soo warinaya in ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya Taliban iyo kooxda iska caabinta ee gobalkaas maamusha.

Sarkaal u hadlay Taliban ayaa jimcihii sheegay in ay qabsadeen inta badan dhul badan oo ka tirsan Panjshir, balse warkaas kooxda iska caabineysa ciidamada Taalibaan ayaa beenisay.

Talibaan oo bartamihii bishii ina dhaaftay si rasmi ah guud ahaan talada dalka Afghanistan ula wareegtay, kadib markii uu madaxweynihii dalkaas isaga cararay dalka.

Kooxda Taalibaan oo qorsheynaysa in ay dhawaan soo dhisto dowlad culus, ayaa gacanta ku heyn Panjshir halkaas oo ay koox kale ay maamulaan.

Goobjoog News