U bood dhigaalka

Akhriso: Dalalka uu Mareykanku Geyn Doonno Ciidamada uu Ka Saarayo Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa waxaa uu bishan sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya horraanta sanadka soo socda.

Laakin warar ayaa sheegaya in ciidamadaas aan dib loogu celin doonin Mareykanka oo ay saldhig ka dhigan doonaan qeybo ka mid ah bariga Afrika.

Sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Mareykanka, ciidamada ka baxaya Soomaaliya ayaa dib u dejin loogu sameyn doonnaa bariga Afrika dalal ku yaalla sida dalalka Djibouti iyo Kenya.

Sababta ciidamada halaasi loo geynayo waxaa lagu sheegay si ay u fududaadaan hawlgallada ciidamada Mareykanka ay ku fuliyaan Soomaaliya.

 “Joogitaankeenna Soomaaliya waxaanu dhimmi doonnaa laakin waxaan sii joogi doonnaa gobolka, oo shaqada ah iyo ballanta aan la galnay ologeenna waa mid aan isbadalin” sidaa waxaa yiri taliyaha AFRICOM Gen. Stephen

Pentagon-ka ayaa kor u qaaday maalgelinta ciidamada AFRICOM iyada oo la siinayo ilaa  $40 million si hawlahooda u sii wataan.

Goobjoog News