U bood dhigaalka

Akhriso: Doorka Madaxweyne Xasan Ee Imtixaanka Dowladda Sanadka 2021/2022

Sheeko:Amniga

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa shaacisay waqtiga ay ardayda dugsiga sare u fadhiisanayaan Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare iyo waxbarashada ee Wasaaradda ayaa sheegay in 18-ka bishaan Juun ardayda ay u fadhiisanayaan imtixaanka shahaadiga.

Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud uu dadaal xooggan uu ku bixiyay tan iyo markii uu yimid xafiiska madaxweynaha sidii loo dardargelin lahaa howlaha imtixaanaadka dalka, oo shaki badan ku jiray sanadkaan in la qaadayo.

Agaasimaha ayaa sidoo akle sheegay in madaxweynaha dalka uu balan qaaday dhamaan dhaqaalaha lagu qaadayo Imtixaanaadka si aan loo baajin imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare waxa ay Mahad ballaaran u direysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markii xilka uu la wareegay muhiimad 1aad siiyay in Imtixaanka fasalka 12aad oo culeys ka taagnaa dhaqaalaha ku bixi lahaa uu ballanqaaday uuna kala hadlay Wasaaradda Maaliyadda” ayuu yiri Ismaaciil Yuusuf .

Agaasimaha ayaa sidoo kale iskuulada ku yaalla dalka ugu baaqay in ay qaataan kaararka aqoonsiga ee Imtixaanka lagu galayo.

“Wasaaradda Waxbarashada waxay u mahadcelinaysaa boqolaalka iskuul ee Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ee qaatay kaar aqoonsiga ah ee imtixaanka fasalka 12-aad ee (Roll Number) waxayna ku wargelinaysaa iskuulada aan weli qaadan kaarka aqoonsiga imtixaanka inay qaataan kama danbeys 04/06/2022,” ayuu yiri Agaasime Ismaaciil.

Sikastaba dhawaan ayay ahayd markii uu wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinka sare ee dalka uu sheegay in ay sanadkaan ay dowladdii Farmaajo ay ka gaabisay howlaha imtixaanaadka.

Goobjoog News