U bood dhigaalka

Akhriso: Dowladda Federaalka ah oo Shaacisay Heshiis Deyn cafis Gaaraya $69.9 Million

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis looga saamaxayo $69.9 Million waxaa ay la gaartay dowladaha Ingiriiska Denmark iyo Netherlands, waxaana uu qeyb ka yahay heshiiska deyn cafinta Soomaaliya.

Dowladda  ayaa waxaa heshiiskaan u saxiixay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana uu dabasocday shirkii dhacay 31 march 2020, oo Soomaaliya looga saamaxay $1.4 Bilyon .

Waddamo badan  oo reer Yurub ah iyo dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ay  ka balanqaadeen in ay ka saamaxayaan lacago badan oo dowladda Soomaaliya horay u amaahtay xiliyo kala duwan.

Goobjoog News