Taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta nabadgelyada waddooyinka ayaa todobaadkan soo gubiyey warbixin la xiriirtay shilalkii dhacay 6-dii ee ugu horeysay sanadkan 2018-ka.
Shilalka ayaa guud ahaan waxaa ay gaareen 664 oo isugu jiray gaadiidka noocyadiisa kala duwan, oo ay ku jiraan gaari gacan iyo gaari dameer
Shilalka oo Faah-faahsan:
Bisha Janaayo waxaa dhacday 132 shil, 9 qof ayaa dhimatay, 32 dhaawac fudud, 67 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 141 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 4 qof, Xoogga hal qof, usluubta waxba, NISA 4 qof, AMISOM hal qof, Bajaaj 80 qof, Baaskil waxba, Mooto 15 qof, Gaari Dameer hal qof iyo gaari gacan oo waxbo ah.
Febraayo: waxaa dhacday 118 shil, 6 qof ayaa dhimatay, 52 dhaawac fudud, 59 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 214 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 2 qof, Xoogga  hal qof, usluubta waxba, NISA hal qof, AMISOM waxba, Bajaaj 92 qof, Baaskil waxba, Mooto 10 qof, Gaari Dameer waxbo  iyo gaari gacan hal qof ah.
Maarso: waxaa dhacday 94 shil, 7 qof ayaa dhimatay, 19 dhaawac fudud,  51 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 174 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 5 qof, Xoogga  waxba, usluubta waxba, NISA 2 qof, AMISOM 2, Bajaaj 61 qof, Baaskil hal qof, Mooto 5 qof, Gaari Dameer hal qof   iyo gaari gacan waxbo.
April: waxaa dhacday 124 shil, 10 qof ayaa dhimatay, 54 dhaawac fudud,  46 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 218 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 2 qof, Xoogga  2 qof , usluubta waxba, NISA 4 qof, AMISOM 2, Bajaaj 79 qof, Baaskil waxbo, Mooto 13 qof, Gaari Dameer 2 qof   iyo gaari gacan waxbo.
May waxaa dhacday 115 shil, 2 qof ayaa dhimatay, 29 dhaawac fudud,  47 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 216 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 3 qof, Xoogga  2 qof , usluubta hal qof, NISA hal qof, AMISOM 2 qof , Bajaaj 80 qof, Baaskil waxbo, Mooto 11 qof, Gaari Dameer waxbo  iyo gaari gacan waxbo.
June waxaa dhacday 81 shil, 3 qof ayaa dhimatay,  33 dhaawac fudud,  33 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 152  gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 9 qof, Xoogga  3 qof , usluubta waxbo, NISA waxbo, AMISOM hal qof , Bajaaj 56 qof, Baaskil waxbo, Mooto 8 qof, Gaari Dameer hal qof  iyo gaari gacan oo hal qof ah.
Guud ahaan:Â Guud ahaan shilalka dhacay waa 664, waxaa dhintay 37 qof, dhaawac culus 222 qof, dhaawac fudud 303, khasaare gaadiid waxaa uu gaaray 1,115, booliiska waxaa ay waxyeello u geysteen 25 qof, xoogga dalka 9 qof, Asluubta hal qof, NISA 12 qof, AMISOM 8 qof, Mooto Bajaaj 448 qof, Baskil hal qof, Mooto 62 qof, gaari dameer 5 qof iyo gaari gacan 2 qof.
Goobjoog News