U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne

Sheeko:Amniga

Dagaalyanada Al- Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ciidanka dowladda federaalka ay ku leeyihiin degaanka Ceel-Jaalle ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhaca duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka.

Dad  ku sugan halka dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegay in uu jiri karo khaasaare laba dhinac ah , in kastoo saraakiisha dowladda oo aan la xiriirnay ay ka gaabsadeen ka hadlida weerarka la xiriira dagaalka dhacay.

Waxa la sheegay in dagaalkan sidoo kale qayb ay ka ahayeen Ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee ku sugan dhanka Bari ee magaalada Beledwayne halkaas oo dhawr jeer uu dagaal ka dhacay, lsoo laablaabtay.

Wararka laga helayo saaka halka dagaalku uu ka dhacay ayaa sheegaya in ay xaaladdu degan tahay , mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo goobta dagaalka uu ku dhaxmaray Al Shabaab iyo Dowlada Federaalka.

Goobjoog News