U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Dil Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad aha ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii halkaas lagu dilay wiil dhallinyaro ahaa oo kamid ahaa dhallinta magaalada sidaweyn looga yaqaanno.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay dhanka Woqooyi ee magaalada ee Puntland, marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu toogtay wiil dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad xili uu kasoo baxay masjidka Abuu Hureyra.

Marxuuka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Siciid Jaamac Kulan (Siciid Manadona),  waxaana la sheegay inuu kamid ahaa dhallinta Taxsileyda ah, ee ka shaqeyso magaalada Gaalkacyo iyo Magalaada Garowe ee gobolka Nugaal.

Ninkii dilka geystay ayaa si deg deg ah goobta isga baxdasay kadib markii uu toogtay Siciid, ciidamada Booliska Puntland ayaa soo gaaray masjidka , waxaana ay bilaabeen baaritaanno, wolow aan la sheegin cid lasoo qabtay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal  iyo qaraxyo kuwaas oo lala beegsaso mas,uuliyiin iyo ciidamo katirsan maamulka Puntland, maamulka ayaana sheegay in badan in ay ka qabanayaan amni darrada.

Goobjoog News