U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Heshiiska Amni ee Farmaajo iyo Afwerki 

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa u safar  la xiriira arrimaha amniga ugu baxay dalka Eritrea.

Goobjoog News ayaa ogaatay in Farmaajo ujeedooyinka  uu Asmaro u tagayo ay ugu muhiimsan yihiin labo arrin:

1. Inuu tababar u soo xiro ciidamo gaar ah uu horay halkaasi ugu diray kuwaas oo sida la sheegayo dhameystay arrimihii loo diray.

2. Inuu heshiis cusub oo tababarro iyo iskaashi amni la soo galo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Ciidamada inta badan loo diro dalka Eritrea waxay dad’doodu u dhaxeyaan 15-25, qaarkood waa la qasbay sida ay Goobjoog News u sheegay qaar ka tirsan waalidiinta caruurtoodu halkaasi jiraan.

Ciidamada la soo tababarayo ayaa isugu jira NISA iyo kuwoo gaar ah oo dowladdu dooneyso iney u adeegsato dano gaar ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gaarka ah ee lagu soo tababarayo  Eritrea ay yihiin ciidamo loogu talogalay doorashada dalka ka dhici-doonta dabayaaqada sanadkan iyo horraanta sanadka soo socda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir soke, oo aan la fahmeyn waxaa uu la leeyahay kaligiitaliyaha Eritrea Isaias Afwerki, heshiiska amni ee hore lalama wadaagin baarlamaanka federaalka ah iyo shacabkaba.

Goobjoog News