U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa qarax maanta ka dhaxay maqaayad ku taallo afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho, taas oo lagu magacaabo Luul Yamani.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa qof isku soo xiray walxaha qarxo ayaa isku qarxiyey ilinka hore ee maqaayadda xili dadkay ku jireen waqtiga qadada, goobtuna ay aheyd mid aad u mashquul badan.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray dad u badnaa shacab oo ku sugnaa maqaayadda, wolow laama amniga ay sheegeen in aysan jirin askar wax ku noqotay qaraxa sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidan Booliska Sadiiq Aadan Cali, isaga oo xusay in ilaaladu u diideen in uu gudaha u galo maqaayadda.

Waxaase soo baxayo khaasaraha soo gaaray dadka shacabka waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in ku dhowaad 3 ruux ay geeriyoodeen oo labo kamid ah ay tahay shacab ah, iyo qofkii ismiidaamiyey halka ay jiraan tiro dhaawac ah, oo labo ruux ah  kuwaas oo la gaarsiiyey goobaha caafimaadka si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Goobjoog News