U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax goor dhow oo caawa ah ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, qaraxa ayaana ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso,oo la dhigay wadada dhinaceeda.

Qaraxa miino ayaa  si gaar ah wuxuu uga dhacay meel u dhow maqaayadda Crems, markii uu qaraxa dhacayey ayaa waxaa goobta marayey, gaari uu watay  wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga XFS Cabdinaasir Saciid Muuse.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday hal ruux, halka uu dhaawac ka soo gaaray afar ruux  kale, kuwaas oo ka dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la gaarsiiyey goobaha caafimaadka si loogu dabiibo xaaladahooda.

Wasiir ku-xigeenka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo watay gaari nuuca saarufta ayaa wax khasaare ah uusan ka soo gaarin qaraxa, mana jiro wax war ah oo weli ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News