U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Khasaare Ka Dhashay Askari Qoyskiisa Ku Qarxiyey Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa askari la sheegay inuu ka tirsanaa xoogga dalka oo xalay Bom gacmeed ku qarxiyey qoyskiisa, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray qeyb kamid ah qoyska.

Falkaan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay meel u dhow isgoyska Cali Kamiin ee degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, askari ayaana dadka shacabka ah waxaa ay sheegeen inuu ahaa Sakhraan markii uu falka geytay.

Askariga ayaa  hooyada dhashay iyo wiilal la dhashay waxaa ay ka qaadeen qorigiisa si uusan dhib ugu geysan, intaa kadib ayaa waxaa dhacday in guriga ay la aadaan, Bam gacmeed uu watay ayuu lasoo aaday guriga isagoo qarxiyey.

Waxaa inta la xaqiijiyey falkaas ku geeriyooday shan ruux ay ku jiraan hooyadii dhashay iyo caruur askarigu dhalay, waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray labo ruux oo ay ku jiraan waalaihii iyo adeerkii oo wax ku noqday falkaas.

Askarigii falka geystay ayaa la dhigay isbitaalka isaga iyo labo ruux oo dhaawaca oo ka haray qoyska dhibaatadu soo gaartay oo ka koobnaa 7 ruux, sida ay Goobjoog News u sheegeen dadkii goobjooga u ahaa falkii xalay dhacday.

Ciidamada booliska degmada oo goobta soo gaaray iyo dadka deriska ah ayaa gurmad u fidiyey qoyskii dhibaatadu soo gaartay,, majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammanka dowladda oo ku aadan falka ka dhacay degmada.

Goobjoog News