U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Khasaare Ka Dhashay Darbi Ku Dumay Qoys Barakac ah

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay Derbi ku dumay qoys barakaca ah oo deganaa xero ku taalla, deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana jiro khasaare ka dhashay dhacdadaas.

Darbiga ayaa ku dumay tiro caruur ah oo hoos jiifay, xerada ayaana waxaa lagu magacaabaa Maslax, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyooday afar caruura, xili caruurta laga dujiyey qabowga, maadaama aysan  guryuhu celin karin.

Caruurta geeriyootay sedex kamida ayaa ah wiilal halka midda kale ay tahay gabar, waxaa sidoo kale dhaawac uu ka soo gaaray Derbiga dumay hooyo dhashay mid kamida afarata caruur ee ku geeriyootay sida ay wararku xaqiijiyeen.

Goobjoog News