U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax saaka ka dhacay xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, qaraxa ayaa ahaa miino  oo la geliyey Haan qashinka lagu shubo oo taalay afaafka hore ee xarunta.

Qaraxa ayaa xiliga uu dhacayey ayaa waxaa xarunta ka socday shir uu guddoominayey guddoomiyaha degmada  Cabdiraxmaan Sheikh Xassan, waxaana lasoo warinayaa khasaare ka dhashay qaraxa saaka ka dhacay Gaalkacyo.

inta la xaqiijiyey laba askari ayuu dhaawac kasoo kasoo gaaray, kuwaas oo gaar ka hayey afaaafka hore ee xarunta dowladda hoose, waxaana jirin burbur soo gaaray afaafka hore ee xarunta dowladda hoose ee maamulka Galmudug.

Goobjoog News