U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax maanta ciidamo la sheegay in ay ka tirsanaayeen dowladda, gaar ahaan Booliiska lagula beegsaday duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana jiro khasaare.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la gelyo ayaa waxaa la eegtay ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la sheegayaa inuu ka dhashay dhaawaca tiro askar ah iyo burbur soo gaaray gaarigii ay wateen oo qaraxa uu haleelay, waxaana la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo soo gaaray dadka deegaanka.

Ciidamada dowladda oo soo gaaray goobta gaaray ayaa qaaday dhaawaca askartii ku dhaawacantay qaraxa, iyagoo sidoo kale goobta ka sameeyey baaritaan lagu baadi goobayo dadkii qaraxa ka dambeeyey.

Ciidamada ayaa inta badan waxaa ay kormeeraan amniga waddada isku xirta Muqdisho iyo  Afgooye oo dhisme ay ku wado shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga oo mudooyinkaan dambe waday waddada.

Goobjoog News