U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxo laga soo buuxiyey oo maanta ka dhacay xaro ay degan yihiin ciidamada xoogga dalka oo ku taallo inta u dhaxeyso  xarunta xisbiga iyo isgoyska Baar Ayaan ee degmada warta nabadda, kaas si xoogan looga maqlay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa xigay rasaas ay rideebn ciidamada dowladda ee ku sugnaa xerada la weerar, ciidamada ayaana xiray aaga udhow xirada kadib markii uu qaraxa dhacay, waxaana laga hor istaagay wariyeyaasha in ay tagaan goobta wax ka dhaceen si ay u soo gudbiyaan xaqiiqada ku saabsan qaraxa ka dhacay degmada Warta-nabadda.

Ila kala duwan ayaa sheegayo in dhimashada qaraxii maanta ay qaarayso ilaa 8 ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 14 ruux.

Goobjoog News