U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaafin dheeraad ah laga helayaa Qarax  maanta  ka dhacay dhabarka dambe ee Safaaradda dowladda Qatar ay ku leedahay magaalada Muqdusho, gaar ahaan  xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu haleelay gaari ay wateen ciidanka  Booliiska dowladda Soomaaliya oo goobtaas marayey, waxaana jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray askarta iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku geeriyooday labo askari oo ka tirsan ciidamdii saarnaa gaariga qaraxa uu qabsaday, waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray 3 ruux oo shacab ah, kuwaas oo loo qaaday Isbitaallada.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo sameeyey baarintaanno, manajiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka  dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News