U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Qarax Lagu Weeraray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheraad ah laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii weerar lagu qaaday kolonyo ciidan ah uu la socday taliyaha ciidamada  xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo, oo nuuciisu aha Saaruf, xili uu marayey inta u dhaxeyso isgoyska Tarabuunka iyo isbitaalka Xoogga qaranka ee degmadaka Hodan, waxaana  jiro khasaare.

Inta la xaqiijiyey waxaa geeriyooday labo ruux oo mid kamida ah uu yahay qofkii waday gaari qarxay iyo ruux la sheegay in ay aheyd haweeney goobta maraysay, waxaana sidhaba loo ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidanka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo  la hadalay warbaahinta qaranka, qaraxa kadib ayaa wuxuu xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa isaga balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen qaraxaas.

Goobjoog News