U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Shil Gaari oo Ka Dhacay Duleedka Garoowe

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ee dowlad goboleedka Puntland, waxaana lasoo sheegayaa inuu  jiro  khasaare.

Shilka gaari ayaa yimid kadib markii ay ku dhaceen Gawaari Xamuul ah, kuwaas oo ku safraayey wadada, waxaana la sheegayaa in ay ahaayeen shan gaari oo isku dhacday, waxaana ay sideen alaabo kala duwan.

Wariyaha Goobjoog News ee Puntland ayaa waxaa uu soo sheegayaa in labo ruux oo mid ah ay tahay haween ee geeriyoodeen, halka uu jiro dhaawacyo fudud oo soo gaaray tirio dad ah.

Duleedka Garowe ayaa waxaa inta badan ka dhaco shilal gaari, kuwaas oo sababa dhimasho iyo dhaawac, soo gaaro dadka rakaabka ah, waxaana loo aaneeyaa in dawaralladu ay gaadiidka si xoogan ay u ka xeeyaanSawirro: Shan baabuur oo isku dhacay, kadib shil ka dhacay duleedka magaalada Garoowe

Goobjoog News