U bood dhigaalka

Akhriso: Falcelinta Ciidanka ee Banaabaxa Jimcaha iyo Xaaladda Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo Daljirka Dahsoon oo ah goobta lagu balan san yahay in uu berri ka dhaco   banaanbaxa ay soo abaabuleen Midawga Musharixiinta ayaa la sheegaya in ciidamo fara badan ay dowladda geeystay.

Ciidamo isugu jira Nabad Sugid dharcad ah, Booliis iyo Haramacad ayaa la sheegay in lagu daadiyay wadooyinka soo gala Daljirka Dahsoon , halkaas oo uu berri oo Jimca ah ka qabsoomi doonno banaanbax aad u weyn.

Qaar ka mid ah wariyayaasha warbaahinada madaxa banaan oo tagay halka banaanbaxa lagu qabanayo ayaa la soo kala eryay kadib markii ciidamada ay diiden in wax laga duubo halkaas.

Madaxtooyada Soomaaliya oo aan sidaa uga fogeyn goobta uu banaan baxa ka dhacayo ee Daljirka Dasoon ayaa sidoo kale amankeeda aad loo adkeeyay.

Hotel Naasa Habloow laba oo u dhaw Daljirka Dahsoon ayaa sidoo kale la sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda lagu wareejiyay, kadib markii Hotelka ay qolal ka kireysteen Madaxweeynayaashi hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuwaas oo berri ka qeeyb galaya Isusoo baxa Daljirka  .

Dhanka kale Hotel SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa la wareegay ciidamada Ilaalada Madaxtooyada , kadib markii laga war helay in ay kireystan rabaan xubna ka tirsan midawga Musharixiinta , kuwaas oo berri ka qeeyb galaya Banaanbaxa Daljirka Dahsaoon.

Waxaa sidoo kale la xiray dhamaan wadooyinka Muhiimka ah ee soo gala Madaxtooyada illa iyo Daljirka Dahsoon.

Waxaa Ciidamo fara badan lagu daadiyay goobaha ay dagan yihiin Musharixiinta Mucaaridka iyadoo Hotelada Muqdisho intooda badan la geeyay ciidamo dharcad ah kuwaas oo ka xog warama kulamada ka dhacayo Hoteelada.

Wariya ka howl gala magaalada Muqdisho oo sababa amni aan magaciisa u qarinaya ayaa inoo sheegay in xilli laga soo celiyay in uu warbixin ka diyaariyo goobta baanan baxa uu ka dhici rabo ayaa sheegay in isaga oo ku sii jeedo goobtiisa shaqada ay gaari uu saarnaa ay istaajiyeen ciidamo dhar cad ah , kadib su’aalo la wayeeydiiyayna ay iska soo daayeen markii danbe.

Sikastaba xaaladda magaalad Muqdisho ayaa aad u kacsan maanta oo khamiis ah , iyadoo dowladda ay si adag u diidan tahay in uu dhaco babanaanbaxa Berri.