U bood dhigaalka

Akhriso: Fariinta Madaxweyne Farmaajo Ee Maalinta Ciidda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada ciidda barakaysan ee Al-Adxaa, waxaa uu khudbadiisa xoogga ku saaray amniga iyo horumarka.

Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

“In aan amni ka wada shaqeyno, amni marka la helo ayaa horumar la helaa…sanadkan sanadkiisa waxaa rajeyna in dalka uu noqdo nabad, in magaalada Muqdisho si nabad ah la isu soco, inshaa-alaaj qof oo Soomaali ah waajib ayaa ka saaran in uu nagala shaqeeyo amniga si aan u helno horumae iyo Nabad” ayuu yiri, Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  ayaa sidoo kale shacabka ugu hmabalyeeyay maalinta Ciidda al-adxa, isaga oo fariin diray maalinta ciidda shacabka ku taliyay in ay badiyaan sadaqada, Salaanka iyo Nabadda

Goobjoog News