U bood dhigaalka

Akhriso: Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo Ka Jawaabaya Sida Ay u Arkaan Sool iyo Sanaag

Sheeko:Amniga

Madaxweynahii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay marti u ahaa PDRC ee magaalada Garoowe oo xoogga lagu saarayey hannaanka toosan ee hirgelinta nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax laga weydiiyey arrinta Sool iyo Sanaag.

Mudane Xasan oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri “” Sool iyo Sanaag dad aad iyo aad u qiimo badan oo weliba mabaadi’da aan iska raacsanahay oo weliba dad midnimada u taagan ah, oo jecel, oo marmarka qaar ay dhibaato kusoo gaarto waaye. Laakiin waxaan rabnaa Victum-ka  taariikh ayey leedahay, Geoghaphy  history ayey leedahay Colonial  history ayey leedahay , qabiil hestory ayey leedahay, waa deegaan qeexid u baahan oo Soomaalinimada in lagu xaliyo ama frame work isticmaarka uusan noo xalinaynin”.

Xasan oo sii hadlaya “Laakiin waxaan qirayaa sidii aan dadka Muqdisho uga hadlaayey, dadkaas wax badan ayey mudan yihiin politics and representation in ay ka maqan yihiin iyo development, laakiin waxaan u baahanahay xalkooda meel weyn oo Soomaalinimo inaan ku jirino, ee Villasomalia lagama xalin karo, Garowe laga xalin karo, Hargeysana lagama xalin karo, mashruuca weyn ee Soomaalinimada ee socda ayaan qabaa in lagu dhex xaliyo”

Sanadkii tagay 2020-kii,   27 Setember shir su’aalo furan lagu weydiinayey ayaa madaxweyne Farmaajo la weydiiyey isla su’aasha Sool iyo Sanaag, waxaana su’aashay gabadaha lagu magacaabo Roodo Farrida, ” Gobolada Sool iyo Sanaag waxaa ay ka tirsan tihiin, international Community waxaa ay ku qoran yihiin Distribrutife erea labo gobol, anigu magaranayo dowladdeenu ma waxaa ay aaminsan tahay haddii ay yihiin Distribrutife waxa isku heystaana waa laba gobol oo wadankii ah, systemka ay howshoodu u qeybsan tahay waa system aan la yaabahanay xuquuqdoodii waxaa la raaciyey s Somaliland , haddana doorashadoodii iyo siyaasadoodii waxaa la raaciyey Puntland sidaa ay isku qaban kartaa, maxay u noqon waayeen sida dadka Somaliland loogu dooranayo dalka ama meel kale maadaama Punland ay leedahay laba cod laba magaalo ay leedahay, why ay u yeelan waayeen reer Sool iyo Sanaag meel iyaga lagu soo doorto”

Farmaajo ayaa ku jawaabay” Su’aasha Roodo ee Sool iyo Sanaag iyo Election keeDa, Roodo Su,aashaada waa ay adag tahay kama jawaabi karo iga raali ahow.

Goobjoog News