Akhriso: Farmaajo Oo Labo Sano iyo Bar Gudaheed Min 5 jeer Badalay Taliska Ciidanka

Dowladdan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa noqotay dowlad aaney fadhin siyaasadeeda amniga, waxaa ay badashay tiradii ugu badneyd ee taliyeyaal ah, NISA iyo Asluubta oo mid 4 jeer ah iyo inta kale oo min 5 jeer ah, waana dowladda ugu badan tan iyo burburkii kadib.

Dowladda madaxweyne Farmaajo 2-badii sano iyo barkii ay joogtay waxaa mareysaa taliyihii 4-aad ee Sirdoonka ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Xuseen Cusmaan Xuseen) iyo Fahad YaasiinDaahir, waxaa jooga taliyihii 5-aad ee xoogga dalka(  General Maxamed Aadan Axmed (Buud),  Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid,  S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo General Odowaa Raage, waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 5-aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, Bashiir Cabdi Maxamed iyo Gen. Cabdi Xasan halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 4-aad.

Ciidamo taliskooda dhowrkii bilba mar la badalayo sidee ku noqon karaan kuwoo tayo leh?

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

  1. Nafeey ba’. Farmaajo wuu ogsoon yahay in ay meesha ka baxday rajadiisii doorashada ee 2020. Rajadaas waxay meesha ka baxday
    markii Axmed Madoobe loo doortay madaxweynaha is-maamul goboleedka Jubba. Markii ay Nabar iyo Naxdin ku guul darreysatay
    Dhuusamareeb, Hobyo iyo Cadaado iyo dhammaan Galmudug.
    Waare horuu uuga leexday Nabar iyo Naxdin. Sidoo kale Deni iyo Puntland.
    Shantii maamul goboleed Farmaajo wuxuu ka hayaa Lafta Gareen oo qudha oo laftiisa gurdanka raaci doona. Saa Lafta Gareen
    doqon ma aha oo wuu arkaa in Farmaajo uu bakhtiyay, lana bakhti afuufi karin.
    SIDEEDABANA, FAR KELIYA FOOL MA DHAQDO.
    Farmaajo waxaa loogu waqlalay:
    KANI GALBAY, KU KALE MOOYEE.

    AW FARMAAJOW, CIDDA IIGU SALAAMA ADIGA IYO MR. LABA-MIIRRE IYO WELIBA MR. “AUTISM”.

    GOOD RIDDANCE. DUF KU BAX!

    1. Xaasidoo nafta waa. Nabad iyo Nolol Insha.Allah wey guuleesaneesaa wadankana way ka xaalufindoona caada qaatayaasha sidaada oo kale u nacam leeya shisheeyaha. Qurun fooqal qurun baatahay Nabad iyo Nolol wey taqaana sida loola dhaqmo kuwa badda iyo hantida umadda soomaaliyeed ka ii biyay shjsheeyaha ee aan damiir soomaalinimo ku jirin.

  2. Are you looking to hire a credible and high-quality Descriptive Essay Paper Services? Is preparing a unique research paper proving to be a daunting and strenuous task? Hiring the best Descriptive Essay Writing Service Writer is the best choice a prudent student can make to ensure they relish better grades and quality work from professional authors.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW