U bood dhigaalka

Akhriso: Farmaajo Oo Labo Sano iyo Bar Gudaheed Min 5 jeer Badalay Taliska Ciidanka

Sheeko:Amniga

Dowladdan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa noqotay dowlad aaney fadhin siyaasadeeda amniga, waxaa ay badashay tiradii ugu badneyd ee taliyeyaal ah, NISA iyo Asluubta oo mid 4 jeer ah iyo inta kale oo min 5 jeer ah, waana dowladda ugu badan tan iyo burburkii kadib.

Dowladda madaxweyne Farmaajo 2-badii sano iyo barkii ay joogtay waxaa mareysaa taliyihii 4-aad ee Sirdoonka ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Xuseen Cusmaan Xuseen) iyo Fahad YaasiinDaahir, waxaa jooga taliyihii 5-aad ee xoogga dalka(  General Maxamed Aadan Axmed (Buud),  Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid,  S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo General Odowaa Raage, waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 5-aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, Bashiir Cabdi Maxamed iyo Gen. Cabdi Xasan halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 4-aad.

Ciidamo taliskooda dhowrkii bilba mar la badalayo sidee ku noqon karaan kuwoo tayo leh?

Goobjoog News