U bood dhigaalka

Akhriso: Gabood-fallada Ka Dhacay Somaliland 2017-ka

Sheeko:Dalka

Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland (Human Rights Centre) ayaa maanta soo bandhigtay warbixin sadeedka 2017 ee xaaladda xuquuqda Aadamaha ee Somaliland iyo gabood-fallada ay diiwaangaliyeen ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2017-ka.

Munaasibadda lagu soo bandhigayay warbixinta waxa kasoo qayb-galay, madaxda ururada maxalliga ah ee Somaliland, weriyeyaal, qareenno iyo qaar kamid ah difaacayaasha xuquuqda aadamaha.

Tacaddiyada ka dhanka xuquuqda aadamaha ee sanadkii 2017ka ka dhacay Somaliland ee isla markaana lagu soo bandhigay wabrixin sanadeedkan 2017ka ayaa waxa kamid ah tacaddiyo ay ciidamada boolisku u gaysteen dad shacab ah oo mudaharaaday muddadii lagu gudo jiray doorashada, iyadoo tacaddiyadaasi ay ku geeriyoodeen dad shacab ah.

Sidoo kale, xarunta  waxaa ay soo bandhigtay tacadiyada ka dhanka ah; Dumarka, beelaha la hayb sooco, difaacayaasha xuquuqda aadamaha, Xadhiga ka dhanka siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo tacaddiyada ka dhanka saxaafadda oo qaar kamid ah hay’adaha warbaahinta Somaliland ay xidhan yihiin muddo sanado ah.

Tacaddiyada Booliska ee Shacabka:

Afar qof ayay ciidamada boolisku ku dileen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco wakhtigii lagu gudo jiray doorashada kaddib markii ay mudaharaad dhigeen qaar kamid ah shacabka magaalooyinkaasi halka halka sagaal kalena ay dhaawaceen ciidamada boolisku iyagoo adeegsanaya xabbad nool – sida ay warbixintu sheegtay.

Tacaddiyada ka dhanka Haweenka:

Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka ayay xaruntu diiwaangalisay in ay kamid tahay gudniinka fircooniga oo ay sheegtay in haweenka Somaliland 97% la gudo sida ay xaruntu kasoo xigatay cisbitaalka dhallaanka iyo hooyada ee Edna Aden.

Tacaddiyada ka dhanka ah difaacayaasha xuquuqda aadamaha:

Sanadkan 2017ka waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay afhayeenka xarunta xuquuqul-insaanka madaxa bannaan ee Somaliland Axmed Xuseen Cabdi kadib markii ay ciidamada Boolisku dhibsadeen codsi-dadweyne oo lagu doonayo in dib-u-habayn loogu sameeyo ciidamada Booliiska oo Xaruntaasu ay wadday – sida lagu sheegay warbixinta.

Halka guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Guuleed Dafac isna lagu soo oogay dacwad ciqaab ah.

Xadhiga Siyaasiyiinta Mucaaridka ah:

Toban kamid ah siyaasiyiinta Somaliland oo siddeed ka mid ah ay ka tirsan yihiin xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa xabsiga loo taxaabay sannadkan, iyadoo tirada ugu badan la xidh-xidhay muddadii lagu gudo jiray doorashada iyo arrinta saldhiga millatariga ee Berbera – sida ay warbixintu sheegtay.

Xadhiga Weriyeyaasha:

26 weriye ayaa sanadkan siyaabo kala duwan loogu xidhay guud ahaan Somaliland inta ay diiwaangelisay xarunta xuquuqul insaanka Somaliland.

Xadhiga weriyeyaasha ayaa hoos u dhacay marka la bar-bardhigo sanadkii hore ee 2016 oo dalka lagu xidhay 28 weriye siday xarunta xuquuqul insaanka madaxa bannaan ee Somaliland sheegtay.

Goobjoog News