U bood dhigaalka

Akhriso: Goorta ay Soomaaliya Bilaabeyso Talaalka COVID 19

Sheeko:Amniga

Hey’adda caafimaadka adduunka ayaa waxaa ay sheegtay in Soomaaliya laga bilaabi doono talaalka caabuqa COVID 19.

Talaalkan ayaa lagu wadaa in la bilaabo bisha soo socota March iyada oo la laga bilaabi doono dadka nugul oo ay ku jiraan da’da iyo kuwa caafimaadka.

Qeybta 1-aad ee talaalka ayaa la sheegayaa iney ka faa’ideysan doonaan ilaa 600,000, laguna bixin doona 1.2 million dawo ah, WHO waxaa ay bixineysaa talaalka 20% halka 80% haray laga rabo dowladda Soomaaliya iney bixiso qarashkeeda.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay iney dalka keeneyso tallaalka caabuqa COVID 19 nooca AstraZeneca/Oxford oo qeybta hore ay heli doonaan 1,224,000, Guud ahaan tirada guud ee tallaalka la gaarsiin doono waa 3,000,000 (saddex milyan) oo qof, tiradaas oo si gaar ah looga tallaali doono xanuunka coronavirus, waxaana horay loo talaali doonaa dadka (1) Shaqaalaha Safka hore, (2) Dadka da’da ah (50jir iyo wixii ka weyn) (3). nuunada ee qaba xanuunada hoos u dhiga difaaca jirka ama si joogto ah ula nool xanuunada.

Goobjoog News