U bood dhigaalka

Akhriso : Guddoomiye Degmo Oo Duleedka Muqdisho Lagu Dilay .

Sheeko:Amniga

Allaah u naxariistee waxaa Xalay Duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay gudoomiyihii degmada Xamar Jajab,  Maxamed Cabdi Axmed Xayle .

Guddoomiye Xeyle ayaa waxa lagu dilay Xaafadda Sara kuusta ee deegaanka Garasbaaley, xilli uu ku sugnaa hooygiisa oo ku yaalla deegaankaas .

Kooxihi ka dambeyay dilka Gudoomiyaha ayaa goobta isaga baxsaday dilka kadib, iyadoo goobta ay gaareen ciidama ka tirsan kuwa booliiska oo baaritaano ka sameeyay goobta falka uu ka dhacay .

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa dhankooda ka tacsiyadeyay geerida ku timid gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab .

Afhayeenka Maamulka gobalka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin geerida ku timid  Maxamed Cabdi Axmed Xayle .

“Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska, Qaraabada, Ehelka iyo Shacabka Gobolka Banaadir ee uu ka baxay Marxuumka. Waxaana Allaha ugu baryayaa in uu jannada Firdows ka waraabiyo, Samir iyo Iimaanna eebe naga wada siiyo” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Si kastaba dilka gudoomiyaha ayaa waxa uu noqonaya gudoomiyihii Labaad ee mudda Afar bil gudahood loo geeysto , iyadoo xusid mudan tahay in bilawgii Sanadkaan dil loo geystay Gudoomiyihii Degmada Hodan Cabdi xakiin Dhaga Juun.

GoobJoog News