U bood dhigaalka

Akhriso: Hadalladii Safiirrada Beesha Caalamka Ka Soo Jeediyeen Caleemo Saarka Xaaf

Sheeko:Dalka

Xafladda Caleemo saarka ee madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf waxaa maanta ka hadlay safiirro ka socda beesha caalamka sida Ambassador Madiira, Michel  Keatin, Safiirka Itoobiya iyo Safiirka Djibouti.

Ambassador Madiira oo ka socday midowga Afrika oo ugu horreyn ka hadlay xafladda waxaa uu u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf, isaga oo ballan-qaaday wada shaqeyn dhaw, isaga oo hadalkiisa ku soo afjaray “Si wada jir ah ayaa soo celin karnaa midnimnada iyo xasiloonida Soomaaliya”.

Michel  Keating ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay “Galmudug waa meel weyn, ariga ugu fiican adduunka halkan ayaa laga helaa, waxaa kale oo la ii sheegay in mustaqbalka laga heli karo Muus”

Waxaa uu madaxweyne Xaaf kula dar-daarmay in uu soo celiyo nabadda iyo Kaabayaasha dhaqaale iyo in uu ka shaqeeyo  dib u heshiisiinta, isaga oo sheegay in dib u heshiisiinta ay ku xiran tahay lacagta ay Galmudug ka heleyso beesha caalamka

Mar uu la hadlayey Xaaf waxaa uu ku yiri “ waxaa rajeyneynaa in aad ka dhabeyso hadalkaadii London ee ahaa in aad la hadasho Ahlu Sunna”

Waxaan madaxweynaha  Soomaaliya u sheegayaa ayuu dhahay Keating  in heshiiska amniga qaranka uu ku xiran yahay arrimta Galmudug.

Arrinta Galkacyo waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay, Gaas waxaa uu sheegay in arrinkaas gacan kaa siin doon…waa in gaariga wadnaa Muqdisho ilaa Boosaaso dhibaato la’aan…..”Aam Wada hadalno waa aan heshiino” oo af Soomaali ah ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Jamaaludiin Mustafa oo ah safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya waxaa uu u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf, waxaa uu xusuusiyay sida dhinacyada looga jiro Beri Ahlu Sunna, waqooyi Puntland, Koofur dowladda  federal  ah iyo galbeedka oo Itoobiya ah, waxaa uu ballan-qaaday in uu la shaqeyn doono.

Safiirka Djibouti oo goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in salaam uga sido  madaxweynaha Djibuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa isna dhankooda ballan-qaaday wada shaqeyn.

Goobjoog News