U bood dhigaalka

Akhriso: Hiraal oo Ka Hadleysa Hoos u Dhaca Weerarada Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Warbixin uu soo saaray machadka Hiraal oo ka hadlayso amniga ayaa wax badan looga hadlay, iyadoo lagu sheegay inuu jiro hoos u dhac weerarada Al-shabab.

Waxaa ay sidoo kale ay ku doodeen in ay hoos u dhaceen weerarada Al-shabaab ee bisha barakeysan ee Ramadan.

Waxaa qoraalka ku jiray : Si kastaba ha noqotee, weerarada AQM ee sanadkan ayaa ah jajab ka mid ah wixii ay ahaayeen lixdii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2019

Weerarda Ramadaanwaxay ka dhaheen “weerarada kooxda ee Ramadaanta hoos ayay u dhacday”.

Sidoo warbixinta ayaa lagu xusay sababta keenta in ay yaraadaan waxaana laga yiri” Maaddaama bartilmaameedyada laga yaabo inay joogaan guryahooda ama ay beddelaan jadwalkooda.

Dhanka kale warbixinta ayaa lagu xusay in bartilmaameedyada weerarada Al-shabaab u badanaa ciidamada xoogga dalaka iyo AMISO waxaana laga yiri” Bartilmaameedka kooxda ayaa sii ahaanaya XDS iyo AMISOM.

Dhinaca kale warbixntu waxay taabanaysaa weerarda qorsheysan ee Al-shabaab ay ku beegsadaan  ciidamada amniga iyo shaqsiyaad gaar ah  waxaana ay ka tiri” Booliska iyo dadka shacabka ah waxaa lagu bartilmaamedsadaa dilal qorsheysan oo loo adeegsado bastoolado iyo AMQ oo lagu dhejiyo gaadiidkooda.

Halkaan hoose ka Akhriso warbixnta Machadka Hiraal

Warbixinta-Ammaanka-Sanad-Badhka-ee-Soomaaliya

Goobjoog News