Agaasimaha rugta ganacsiga iran ee Trade Promotion Organization (TPO) ee arrimaha Afrika iyo Carabta ayaa sheegay in waxyaabaha ay Iran u soo dhoofisay qaaradda Afrika ee March 21 to September 22 ay kor u kaceen sanadkan 17% marka la barbardhigo sanadkii hore.
Farzad Piltan ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha ay Iran dhoofiso sida Naftada iyo waxa aan naftada aheyn ay u dhoofiso dalal ay ka mid yihiin: Egypt, Kenya, Sudan, South Africa, Tunisia, Morocco, Mozambique, Tanzania, Djibouti iyo Somalia, iyada oo ka hesha lix bil kasta lacag dhan $397 million.
Qiimaha waxyaabaha loo soo dhoofiyey Afrika ee sanadkii tagay waxaa lagu qiyaasay ilaa $752 million waxaa jirtay siyaado dhan $142 million oo ah sanadkii ka horeeyey.
Waxyaabaha ay Iran u soo dhoofiso Afrika waxaa ka mid ah: birta, shubka, gaaska, shamiitada, biscuits, Shukulaatada, saliidda matoorka iyo kuwoo kale.
Goobjoog News