U bood dhigaalka

Akhriso : Ishor Istaag Lagu Sameeyay Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka

Sheeko:Amniga

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga joojiyay in ay soo xaadiraan kulamada Golaha ayaa sheegay in ciidamada ka tirsan dowladda ay u diidan yihiin in ay maraan Wadooyinka Magaalada .

 

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay ku celinayaan Wadada Debka, isaga iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka .

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in Mas’uuliyadda wixii ku dhaca uu qaadan doonno Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal

Xildhibaan Maxamuud Abdirahman Beene Beene oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacab ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga ku sheegay in aysan dowladnimo aheyn waxa ay ku kaceen Madaxda sida uu hadalka u dhigay .

“Ciddii waxaani dowladnimo u moodda ama u riyaaqda ama u malaysaba in waxaani dhib weyn jirin oo ay caadi yihiin. Safarkaani halkii uu usocday markii uu gaaro ayaad garan doontaa.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Waxa muuqda oo kaliya in aysan aheyn arinta balse ay jiraan Wax intaa ka weyn .

“Dadbaa waxeey moodaan in aan kahadlayo beebahaas, dhowr ka shaqsi ee wadada ka muuqato Iyo wadadaas xeran, Go’aye cashir intaa kaban ayaa meesha kujira!”

“Garashadaasne Rabbi in uu kuugu maneyste mooyee wallaahi in aadan School kasoo dhigan karin!”