U bood dhigaalka

Akhriso: Jaantuska Qoondada Haweenka Ee Doorashada Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashooyinka ayaa soo saaray tirada haweenka ee maamul gobaleedyada laga soo dooranayo.

Maamul gobaleedyada dalka ayaa loogu baaqay in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee Baarlamaanka golaha shacabka.

82 xildhibaan oo qeyb ka ah golaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan dhamaan dowlad gobaleedyada .

Haweenkan ayaa laga rabaa in maamulka Puntland oo 37 kursi ku leh golaha shacabka in ay ka soo baxaan 11 Haween ah, halka Maamulka Jubbaland oo 43 kursi ku leh golaha shacabka loo qoondeeyay in ay 13 Haween ah ay ka soo baxaan si loo ilaaliyo qoondada haweenka.

Maamulka Koonfurgalbeed oo golaha shacabka ku leh 69 xildhibaan ayaa loo qoondeyay in ay ka soo baxaan 21 Haween ah, maamulka Galmudug oo 37 xildhibaan ku leh golaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan 11 Haween ah.

Hirshabeelle oo 38 xildhibaan golaha shacabka ku leh ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo doorto 11 xildhibaan oo haween ah.

Somaliland oo ah maamulka labaad ee ugu kuraasta badan golaha shacabka kuna leh 46 kursi ayaa lagu wadaa in ay doortaan 14 Haween ah, Halka Banaadiriga oo kuraasta ugu yar ku leh golaha shacabka iyagoo heysta 5 kursi lagu wado in ay ka soo baxdo hal Haweeney ah.

Wadarta guud ee xildhibaanada 275 ayeey haweenku ku leeyihiin 82 mudane oo ah qoondada loo qoondeeyay in ay Baarlamaanka golaha shacabka ku yeeshaan.