U bood dhigaalka

Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab Ku Dhexmaray G. Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Cadakibir oo u dhaxeeya magaalada Guriceel iyo deegaanka Baxdo ayaa sheegaya in illa iyo xalay dagaal culus uu deegaanka ku dhex marayo ciidamada dowladda iyo ururka al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Cadakibir ee gobalka galgaduud waxa uuna u dhaxeeya Ciidamada dowaldda, kuwa maamulka galmudug, ciidamada ahlu-sunna iyo dadka deegaanka caadakibir oo isku dhinac ah iyo xubna ka tirsan ururka al-shabaab.

Illa iyo hadda inta laxaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii guutada 13aad ee Qeybta 21aad Gashaanle Dhexe Cali Maxamed Cagaweyn, Korneel Cabduqadir Maxamed Gasaawe oo ahaa taliyihii howlgalinta qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka iyo seddax askari oo kale, halka dhanka al-shabaab la xaqiijiyay in dagaalka looga dilay 5 xubnood.

Dagaalka ayaa illa iyo saaka sidoo kale ka socda deegaanka cadakibir ee hoostaga degmada guriceel iyo deegaanka Baxdo.