U bood dhigaalka

Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Boosaaso

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Puntland ayaa shegaya in khasaaro kala duwan uu ka dhashay dagaal saacado badan ka socday gudaha Magaalada.

Dagaalka oo barqanimadi maanta ah ka bilawday Boosaaso ayaa lagu soo waramaya in illa iyo hadda inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen 3 qof oo laba kamid ah ay yihiin Shacab.

Ciidamada Puntalnd ayaa dhankooda lagu soo waramaya in ay ka dhaawacmeen 6 askari, halka kuwa PSF uu dhaawac ka soo gaaray 8 askari, dadka shacabka ah ee dagaalka ku dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in ay tiradoodu gaareyso 7 qof.

Maamulka magaalada Boosaaso ayaa dhankooda ku eedeyay in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamada gorgor ee DF.

Dhanka kale hogaanka Boosaaso ayaa shegay in ciidamada PSF ay qeyba kamid ah magaalada ku garaaceen Hoobiyayaal.

Hoggaanka PSF illa iyo hadda kama hadlin dagaalka maanta dhacay iyo dhamaan eedeymaha loo jeediyay.

Goobjoog News