U bood dhigaalka

AKHRISO : Khasaaraha Nafeed EE ka Dhashay isku Dhacyadii  Bannaanbaxayaasha iyo Ciidanka Dowladda

Sheeko:Amniga

Jimcihii 19-kii February dagaal ka dhacay Daljirka Daahsoon  oo maalinaas la filayay inuu bannaanbax ka dhaco ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa si kedis  ku bilowday , kaas oo dhaxmaray ciidanka Dowladda iyo ilaalada musharaxiinta  waxana xigay  maalintii jimacaha 19-kii February  in qol-qolotooyinka kale ay ka dhaceen waddooyin dhawr ah oo caasimada ah oo ay xireen ciidanka si ay u xakameeyaan dad doonayay in ay  ka bannaanbaxan in xukunka dalka lagu sii joogo si sharci dara ah.

In ka badan  sagaal- qof ayaa ku geeriyootay halka lix iyo toban kalena ay ku dhawacmeen kuwaas oo isugu jira ciidanka ku dagaalamay nawaaxiga Daljirka Dahsoon iyo kuwo kale oo ku  waxyeeloobay rasaasta ciidanka Dowladda  ay  ku rideen bannaanbaxyaasha.

Maalintii ay dibadbaxyada dhaceen ee Jimacaha 19-ka February Degmada  Kaaraan iska hor imaad ka dhacay ayaa la soo wariyay inay ku dhaawacmeen shan qof oo shacab aha halka qof kalena uu ku dhintay

Saqdii dhexe habeenimadii isla habeenimadaas dagaal kale oo ka dhex bilowday ciidanka  Dowladda ee Gorgor  iyo ilaalada musharraxiinta oo ku sugnaa Daljirka – Daahsoon  ayaa  Goobjoog News loo xaqiijiyay in ay ka dhalatay khasaare isugu jira dhimashada  shan  qof oo labada dhinac ah iyo dhaawac  Lix –kale halka rasaas wiifta ah uu ku dhintay hal qof laba kalana ay ku dhaawacmeen , degmada Warta-nabadda.

Dhanka kale , Maymuum Bashiir  waa  25- jir ku nool degmada Hodan gaar ahaan carwadii hore ee xoolaha   halkaas oo rasaas ku haleeshay , xili saq dhexe ah  markaas oo hurdada ay kaga soo salashay xabad kaga dhacday qaybta dambe  ee  jirkeeda.

“Waxa ay ahayd habeen Jimca  ah, marka ay rasaasta ku dhacday Maymuun  runtii xaaladeedu markii hore waa ka naxnay  waddooyinka maadama ay xirnayeen isbitaalna waan gayn waynay  taasna waxay sababtay in markii jidad la furay in isbitaal ula cararno‘’ sidaas waxa sheegay ehelada Maymuun oo aan la  hadalnay.

Degmada Warta-Nabada laba qof ayaa ku geeriyootay  laba kalana waa ay ku dhawacmeen ka dib markii ay haleeshay rasaas wiifta ah oo  ay is waydaarsanayeen ciidanka Dowladda   iyo  kuwo ilaalo  midowga musharraxiinta.

Ehalada mid ka mid ah dadkii dhaawacmay  oo magaciisa lagu soo koobay Kaadiye ayaa sheegay in dhawaca wiilkooda ka dib u naxdin uu u  dhintay  Axmed Saki Cumar oo  28 sano jir kaas oo ka mid ahaa dadkii gurmadka fidinayay.

Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya wali  lagama hayo wax war ah oo ku saabsan tirada khasaaraha  ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News.