U bood dhigaalka

Akhriso: Khasaaraha Qaraxyo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay labo Qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, taliska ayaana sheegay in ciidanka amnigu ku raad joogeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada Qarax ay ka kala dhaceen agagaarka Taaladda Sayidka iyo meel ku dhow Hotel Afriik gaar ahaan Barta-Kontaroolka ee wadada aadda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Maanta waxaa Xamar ka dhacay labo Qarax oo is xig-xigay,kan koowaad wuxuu ka dhacay taalada sayidka agagaarkeeda,waxaa ku dhintay sagaal qof,waxaa ku dhaawacmay 25-Qof,Qaraxa labaad ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotel Afrik gaar ahaan meel ku dhow barta-Kontaroolka ee wadada aada Airport-ka,waxaa ku dhintay dhagarqabihii waday gaariga halka uu  ku dhaawacmay mid kii la socday oo ciidanka Booliska ay hadda gacanta ku hayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Sidoo kale, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) wuxuu sheegay in labada gaari ee Qarxay ay ku raad joogeen ciidanka,islamarkaana iyagoo eryanaya ay Qarxeen,waxaana gaariga Qaraxa Ciidanka ku soo wargeliyay qof shacab ah.

Ugu dambeyntii,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeiko ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidanka amniga lana wadaagaan xogaha horseedi kara in gacanta lagu soo dhigo dhagarqabayaasha caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Goobjoog Nes