U bood dhigaalka

Akhriso Khudbadda Guddoomiyaha Aqalka sare: Madaxweynaha Waxaa uu si Layaab leh ugu Xadgudbay Dastuurka

Sheeko:Amniga

Khudbaddan hoose waxaa goordhow golaha aqalka sare ka jeediyey guddoomiyaha golahaas Cabdi Xaashi, waxaa qoray Cabdicasis Gurbiye,

Akhriso: Khudbadda Guddoomiyaha Aqalka Sare:

Hadaljeedinta madaxweynaha waxaa uu ku saleeyey waajibaadka madaxweynaha jamhuuriyadda saaran tan ugu muhiimsan inuu yahay ilaalinta dastuurka, hase yeeshee isla khudbadiisa dhexdeeda waxaa uu si layaab leh ugu xadgudbay dastuurka dalka, haddaba hadaljeedintiisu waxaan ka soo qaaday dhowr waxyaabood u gef ku ah sharciga:

(1).  Madaxweynuhu waxaa uu yiri golaha shacabka waa aasaaska dowladnimadeena, dowladnimadeenuna waa golaha shacabka, halkaas waxaad ka arkeysaan madaxweynaha inuu sharciga oo dhan uu tuuray, golaha shacabka ma aha dowladnimadeena, waa aqal baarlamaanka Soomaaliya.

(2). Madaxweynuhu waxaa uu yiri golaha shacabka waa hey’adda ugu sareysa ee matalaadda shacabka Soomaaliyeed, oo waxaa tihiin wakiilada shacabka Soomaaliyeed ay soo dooreen, oo halkan u fadhiya dowlad goboleedyada.

(3). Madaxweynuhu waxaa uu yiri gola shacabka, waxaa uu wakiil u yahay dowlad goboleedyada, waxaa uu wakiil u yahay shacabka Soomaaliyeed, go’aanada aad gaartaanna waa in dalka oo dhan laga aqabalo, waana sida caalamka u shaqeeyo.

(4). Madaxweynuhu waxaa uu yiri in golaha shacabka kusoo celin doono heshiis walba oo aan la gaaro madaxda dowlad goboleedyada si aad kaalintiinna dastuuriga ah uga qaadataan haddaba,

Madaxweynuhu miyuusan ogeyn inuu dalka uu madaxweynaha ka yahay qaatay nimaadka federaalka ah oo ay tahay inuu yeesho labo aqal kuwaas oo ah golaha aqalka sare iyo golaha shacabka, madaxweynuhu haddii uusan akhrin dastuurka dalka waxaan usoo jeedinayaa inuu akhriyo si uu u ogaado qodobada soo socda.

Qodobka 55aad ee dastuurka KMG ah ee qeexaya in baarlamaanka federaalku uu ka kooban yahay labo aqal oo kala ah golaha shacabka iyo aqalka sare.

Qodobka 61aad ee tirsigiisa 3aad iyo 71aad ee dastuurka KMG ah oo qeexaya in aqalka sare uu matalo danaha dowlad goboleedyada iyo ilaalinta nidaamka federaalka ah.

Qodobka 89aad ee qeexaya doorashada madaxweynaha in ay dooranayaan labada aqal.

Aasaaska dowladnimada waxaa ay ka kooban yahay 3 hey’adood oo kala ah (1). Hey’adda sharci dejinta oo ka kooban golaha aqalka sare iyo golaha shacabka (2). Hey’adda fulinta (3) Hey’adda garsoorka. Dowladnimadeennu golaha shacabka ma aha.

Markii uu madaxweynaha Jahmuuriyadda doonayo inuu ka hadlo arrimo qaran waa inuu ujeediyaa baarlamaanka federaalka ah oo ka kooban labada aqal, oo ka kooban aqalka sare iyo golaha shacabka, ee hal aqal keliya uma jeedin karo.

Gebagabo:

Waxaan leeyahay, sharciga cid ka sareysa ma jirto, sharciga isaga ayaa u sareeya qofkii gefanaya waa uu qabanayaa, waxaan leeyahay dadka yaa hor iman kara, hadal deeqa oran kara, ksaban kara rag iyo dumar, oo xumo ka dhaahir ah, waxaan leeyahay inta aan noolahay sharciga waan ilaalin, midnimo Soomaaliyeedbaan rabaa, nabadbaan rabaa, dowlad cadaalad sameysaan rabaa, si kale cidna ugu ogolaan mayo.

Goobjoog News