U bood dhigaalka

Akhriso Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Madaxda Caalamka

Sheeko:Dalka

Shirka London waxaa khudabado ka jeediyay madaxda Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha caalamka, madaxdii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Xogheyaha guud ee qaramada midoobey Antonio Guterres, Ra’isul wasaaraha Ingiriiska Theresa May, Guddoomiyaha midowga Afrika Moussa Faki, madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn Boshe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulahi Farmaajo oo ugu horreyn goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay caqabado badan heystaan, isla markaana uu wax ka qaban doono.

La dagaalanka Al-shabaab waxaa uu sheegay in dagaalkaasi ay qaadan doonto  muddo 2 sano ah, isaga oo intaa raaciyay in dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ay ku dagaalaan qoryo isku mid ah oo ah AK 47, waxaa uu codsaday in Soomaaliya loo ogolaado hub culus.

Mr. Farmaajo waxaa uu caalamka hortiisa ka ballan-qaaday in Soomaaliya aaney dib u noqon doonid, kana shaqeyn doono isku duubnida umadda.

Xogheyaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa ku dheeraaday abaaraha Soomaaliya ka jira iyo sida ugu yaraan 6 Milyan wax ka badan ay ugu baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Antonio Guterres waxaa uu sidoo kale ka hadlay safarro uu ku yimid Soomaaliya isaga oo AMISOM ku ammaanay sida ay u soo celiyeen nabadda iyo kala dambeynta, waxaa uu soo jeediyay in la dhiso ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo martigelineysa shirka waxaa ay ku dhawaaqday in UK 21 Milyan ku bixin doonto dhismaha ciidamada, waxaa ay ka hadashay sida Ingiriiska ay tababar ciidamada Soomaalida ugu siiyaan Baydhabo iyada oo u mahadcelisay AMISOM, Mareykanka , Turkiga iyo Imaaraadka.

Ra’isul wasaaraha Ingiriiska waxaa ay soo jeedisay  in la taageero heshiiska 4ta sano ee Soomaaliya lagu hormarinayo.

Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda waxaa uu goobta ka sheegay in Soomaaliya u baahan tahay madax wadaniyiin ah oo dalka ku soo celiya sidii uu ahaa.

Mar uu la hadlayey Al-shabaab waxaa uu sheegay in wax badan oo Uganda agtooda xaaraan ka ahaa ay markii dambe xalaal noqdeen, shimbiraha ayaa ka mid ahaa wixii uu soo qaatay.

Uhuru Kenyatta waxaa uu dhankiisa xoogga saaray in dalkiisa uu garab taagan yahay Soomaaliya iyo sidii lagu xasilin lahaa, isaga oo soo jeediyay in ciidamada AMISOM lagu daro 4 Kun si Al-shabaab looga saaro meelaha ay ku jiraan.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn Boshe waxaa uu halkaasi ka sheegay in xilliga uu hadlayo ay ciidamadiisa iyo Al-shabaab ku dagaalayaan magaalada Halgan ee Hiiraan, waxaa soo qaatay in ay haboon tahay in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya iyo in Soomaaliya ay dhisato ciidamo, waxaa kale uu ka hadlay abaarta iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee aadaya wadamada dariska ah.

Goobjoog News