U bood dhigaalka

Akhriso: Kiiska Badda iyo Dadkii Ku Lug lahaa 7-badii sano ee lasoo dhaafay

Sheeko:Amniga

Kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo maanta lagu soo gabagabeynayo Hague ayaa waxaa ku lug lahaa 7-badii sano ee lasoo dhaafay dad kala duwan.

Hadaba halkan ka akhriso: Dadkii sida tooska ah ugu lugta lahaa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dacwada maxkamadda ICJ geeyey, kiiskana dhaqaajiyey iyo madaxweyne Farmaajo oo muddadiisa sii waday. Labada waxaa saarnaa mas’uuliyad siyaasi ah, waana kasoo baxeen!

Wakiillada Soomaaliya ee Kiiska ku Saxiixnaa markii hore waa: Muna Al-sharmaani, oo aheyd lataliyaha madaxweyne Xasan Sheekh, Axmed Cali Daahir oo ahaa xeer ilaaliyihii hore ee qaranka iyo Cali Saciid  Fiqi oo ahaa safiirkii Soomaaliya ee midowga Yurub, Farmaajo ayaa gadaal uga daray Axmed Ciise Cawad wasiirkiisa arrimaha dibadda iyo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Waxaa kale oo isna kaalin muhiim ah ku lahaa Allaha u naxariistee Eng. Max’ed Cumar Saalixi, oo la taliye u ahaa Xasan Sheekh iyo Farmaajo, ku tashasusay cilmiga badaha, ahaana ninka keliya ee Soomaali ah ee hayey file-ka 11-kii sano ee lasoo dhaafay.

Qareennada Kiiska u Matalayey Soomaaliya ee kala ahaa:

1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C,  kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English.

2. Prof. Philippe Sands:Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law Schooliyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah.

3. Prof. Alain Pellet:Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye.