U bood dhigaalka

Akhriso: Lacagaha Laga Qaado Musharixiinta Madaxweynaha Ee Dalalka Qaaradda Africa

Sheeko:Amniga

Waxaa aad guud ahaan dalka looga hadal hayaa doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka oo la filayo in ay maalmaha soo socda ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Illaa iyo 39 musharax ayaa isdiiwaan geliyay kuwaas oo u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2022, musharixiintaan ayaa dhamaantood ah kuwa soo buuxiyay shuruudihii looga baahnee ee ay u dejiyeen doorashada guddiga doorashada madaxweynaha.

Habraaca iyo shuruudaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan waxaa qayb ka ahaa bixinta khidmad gaareysa $40,000 dolar oo la isku diiwaangelinayo, waana qarashkii ugu badnaa abid ee ku baxa diiwaangelinta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaba waxaan warbixintaan ku eegeynaa qaar kamid ah wadamada qaaradda Afrika iyo lacagaha musharixiinta laga qaado marka ay u tartamayaan xilka ugu sareeyo dalkooda.

Tansania

Dalka Tansaaiya oo ah dal dhaca bariga qaaradda afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 59.73 milyaan oo qof ayaa waxaa dhowrkii sanaba mar ka dhaca doorasho madaxweyne.

Musharixiinta isku soo taagta xilka madaxweynaha dalka Tansania ayaa waxaa laga rabaa in ay bixiyaan kharashaad gaaraya $1,000 dolar kaas oo lagu diiwaangelinayo musharaxa madaxweynaha dalka Tansaaniya.

Dalkaan ayaa kamid ah dalalka ugu yar ee laga qaado lacagaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha, waxaa dalkaan hadda madaxweyne ka ah Haweeney lagu magacaabo Samia Suluhu Hassan, taas oo baddashay madaxweynihii ka horeyay kadib markii uu geeriyooday.

Kenya

 Dalka Kenya oo deris la ah Soomaaliya ayaa isna kamid ah dalalka qaaradda ku yaallo oo 5-tiii sanaba mar ay ka qabsoonto doorashada madaxweynaha.

Musharixiinta xilka madaxwynaha dalka Kenya isku soo taagta ayaa laga qaada lacag gaareysa $10,000 dolar, taas oo ah lacagta diiwaan gelinta musharixiinta madaxweynaha dalka Kenya.

Burundi

Dalka Burundi oo kamid ah dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 11.89 milyan oo qof , ayaa dhowrkii sanaba ay mar ka dhacda doorashada madaxweynaha dalkaa.

Burundi oo hadda madaxweyne uu ka yahay Évariste Ndayishimiye ayaa marka lagaaro doorashada madaxweynaha, musharixiinta xilkaas isku soo taagta laga qaadaa lacag gaareysa $7,500 dolar, taas oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta.

Ghana

Dalka Ghana oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay yihiin 31.07 milyaan oo qof ayaa kamid ah dalalka afrika ee lacagaha ugu badan laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalkaas.

Ghana waxaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha laga qaadaya lacag gaareysa $17,00 dolar oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta xilka madaxweynaha daneyneysa.

Soomaaliya

  Dalka Soomaaliya oo hadda ku guda jira doorashada madaxweynaha 10-aad, ayaa qayb ka ah dalalka qaaradda afrika ku yaalla ee lacaga faraha badan laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada dalka.

Soomaaliya oo doorashooyinkii kala gedisanaa ee ka dhacay 20-kii sano ee u dambeyay musharixiinta laga qaadayay lacago kala duwan ayaa sanadkaan 2022 musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Soomaaliya laga rabaa in ay bixiyaan lacag dhan $40,000 dolar.

Lacgaan ayaa ah middii ugu badneyd ee abid laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoog News

WQ/ Abdirahmaan Sabriye