U bood dhigaalka

Akhriso: Lixda Tiir ee Xukuumadda Xamse Barre

Ra’isul wasaare Xamze Barre ayaa soo bandhigay lix tiir oo xukuumaddiisa ay ku shaqeyn doonto muddo xileedkeeda, kuwaas oo kala ah (1). Tiirka Dib u xorreynta iyo Sugidda amniga, (2). Tiirka Cadaaladda iyo garsoor Madaxbannaan (3). Tiirka Soomaali heshiis ah (4). Tiirka isku filnaashiyo dhaqaale (5). Tiirka Horumarinta arrimaha bulshada (6). Tiirka Soomaali heshiis la ah dunida.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristeyaasheeda la wadaageysaa tiirarka oo faahfaahsan iyo mid weliba waxaa uu ka dhigan yahay.

(1). Tiirka Dib u xorreynta iyo Sugidda amniga: Waxaa lagu sheegay in la abbaari doono dhabbihii lagu heli lahaa dalka oo amni ah, xasilloon, xorna ka ah argagixiso, colaad, iyo dulmi.

Hadafka Xukuumaddu waa in ay xaqiijiso in muwaadin kasta oo soomaaliyeed uu xor ka noqdo cabsi iyo khatar ku timaadda naftiisa, maalkiisa, sharafkiisa, xuquuqdiisa iyo xorriyadiisa taas oo ay u siman yihiin dadka oo dhan. Dhanka kale, Xukuumaddu waaxay xil iska saaraysaa xaqiijinta nabadgalyo ka hirgasha dalka oo idil, (bad iyo barri, miyi iyo magaalo), nabaddaas oo cirib tirta cabsi iyo dulmi.

Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumaddayda iyo Hay’adaha Dowladdu waxay hirgalin doonaan adeeg hufan oo dalka u horseeda isbaddal amni wanaagsan. Xukummadda waxaa dhaqan u noqon doona wax qabad, waxaana lagu qiimayn doonaa horumarka aan ka gaarno dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalka.

Tiirkani wuxuu hormuud u yahay hagidda, isuduwida, la socodka, iyo qiimeynta qorshaha dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalka. Sidoo kale Tiirku wuxuu xoojinayaa dib-u-dhiska iyo tayaynta hay’adaha amniga ee labada heer ee dowladda (Federaal iyo Maamul Goboleed).

Hortabinnada: (1). Dib u-eegista Siyaasadda Amni ee qeexaysa istraatiijiyadaha iyo qorshayaasha lagu hagayo amniga qaranka. (2). Dib u habaynta Hay’adaha amniga si ku salaysan heshiis Bulsho iyo sharci. (3). Dardar-gelinta hawlihii socday ee dib-u-habaynta Ciidamada Qaranka iyo hay’adaha korjoogtaynta amniga iyo difaaca. (4). Dejinta iyo Dib u eegista Shuruucda Hay’adaha amniga qaranka iyo shuruucda la xiriira. (5). Diyaarinta iyo gudbinta warbixinnada amni ee Golaha ammaanka iyo qaraarada la xiriira. (6). Qorshayaasha Xukuumadda ee Dib-u-xoraynta iyo Xasilinta Dalka. (7). Qorshayaasha Xukuumadda ee la dagaallanka iyo ka hortagga argagixisanimada iyo xagjirnimada (pcve). (8).  Qorshayaasha Xukuumadda ee hirgalinta qaraarrada Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

(2).  Tiirka Cadaaladda iyo garsoor Madaxbannaan waa xukuumaddu waxay ahmiyad gaar ah siin doontaa dardar-gelinta howlaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Hiigsiga Xukuumaddu waa dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya u garnaqidda dadwaynaha dhexdooda, muwaadaniinta iyo dowladda, iyo hay’addaha dowladda dhexdooda. Waxka-qabadka cadaalad-darrada waxaa ugu horreynaya kudhaqanka saraynta sharciga iyadoo shuruucda dalku ay isku si u xakamaynayaan muwaadinka iyo hay’adaha dowladda. Hadafka uu garsoorku higsanayo waa soo celinta kalsoonida muwaadinku ku qabo nidaamka cadaaladda dalka, iyo in uu helo nabad iyo ammaan, kuna noolaado cabsi la’aan uu sharcigu dammaanad qaadayo.

Hortabinnada: (1). Dib u eegista shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah helitaanka Garsoor hufan oo madax-bannaan. (2). Dhamaystirka Heshiiska Siyaasadeed ee Hannaanka Garsoorka iyo Hay’adaha Cadaaladda; (3). Tayaynta iyo Korjoogtaynta hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka. (4). Tayaynta iyo dib u habaynta Ciidamada Asluubta. (5). Daadajinta Adeegyada Garsoorka iyo dhiiri galinta xallinta khilaafaadka ku salaysan Xeer Soomaaliga.

Waxaa qeybtan ku jira maamul wanaagga iyo isla xisaabtanka sida 1. Xoojinta sugnaanta maamulka hay’addaha dowladda. 2. Dib u habaynta Shaqaalaha Rayidka Dowladda (Xuquuq iyo Waajibaad). 3. Xoojinta, tayaynta aqoonta, kartida iyo xirfadaha shqaalaha rayidka. 4. Dhiirrigalinta Daahfurnaanta, iyo Isla-xisaabtanka Hay’adaha dowladda.

(3). Tiirka Soomaali heshiis ah, Xukuumaddu waxay hiigsanaysaa wax ka qabashada colaadaha, is aaminaad la’aanta, iyo kala qaybsanaanta ku baahday dalkeenna, oo lagu baddalo midnimo Soomaaliyeed, laguna gaaro heshiisyo raalli la isaga yahay iyadoo laga faa’iidaysanayo casharradii laga soo bartay waqtiyadii adkaa ee dalkeenna iyo dadkeenna soo maray.

Waxaa kale oo ku jirta Dhab u heshiisiin sida 1. Hirgalinta Istiraatiijiyadda Qaran ee Dhab u heshiinta. 2. Dhamaystirka dib u eegista Dastuurka. 3. Dar-dar galinta arrimaha Federaalaynta iyo daadajinta dowladnimada. 4. Sii amba-qaadidda wadahadallada Soomaaliland. 5. Dimoqraadiyaynta iyo Dardargalinta Dowlad wanaagga 6. Diiwaangelinta Dadweynaha, iyo Howlaha Hay’adda aqoonsiga dadwaynaha 7. Midaynta Hannaanka Doorashooyinka Dalka 8. Hirgalinta Nidaamka Xisbiyada 9. Hirgalinta Doorashada Qof iyo Cod

Waxaa kale oo lagu daray dhameystirka Dastuurka sida 1. Qabashada iyo Joogtaynta shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka. 2. Dib-u-habaynta iyo dhamaystirka Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka. 3. Diyaarinta qorshe midaysan ee dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka. 4. Qabashada Shirwaynaha Bandhigista iyo Ansixinta Qorshaha Midaysan ee Dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka. 5. Isla meeldhigidda iyo ansixinta dib-u-eegista farsamo ee dastuurka. 6. Billaabidda ka doodista farsamo iyo xal ka gaarista arrimaha u baahan wadaxaajood iyo heshiis siyaasadeed. 7. Waqti u qabashada qorshe hawleedyada dhammaystirka dib u eegista dastuurka iyo ka heshiinta nidaamka afti u qaadista dastuurka. 8. Wacyigalinta Dastuurka heer Federaal, heer Dowlad-goboleed, Heer Deegaan iyo Tuulo.

Lagama tagin dardargelinta arrimaha federaalka ah iyo daadejinta dowladnimada sida 1. Qabashada iyo Joogtaynta shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ). 2. Dib-u-eegista Guddiyada Madaxa Bannaan ee la xiriira arrimaha federaalaynta iyo Xuduudaha iyo guddiga dastuurka. 3. Kobcinta Awoodda Dhaqaale iyo Maamul ee Dowladaha Xubnaha ka ah DFS. 4. Dardargalinta dhismaha golayaasha deegaanka iyo dowladaha-hoose. 5. Daadajinta Adeegyada Dowladda iyo u dhawaynta bulshada. 6. Xoojinta xiriirka wadashaqaynta Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir. 7. Diyaarinta iyo ansixinta Hindise sharciyeedka Guddiga isku-xirka Xukuumadaha.

Wada hadaladda Somaliland waxaa laga dhahay 1. Dejinta qorshe qaran oo lagu wajahayo wadahadallada walaalaha Soomaaliland. 2. Dardargalinta wadahadallada Soomaaliland. 3. Dhamaystirka iyo hirgalinta is afgaradyadii iyo heshiisyadii horay loo gaaray.

Dimoqoraadiyadeynta Dalka: Waxay xukuumadaydu ka shaqayn doontaa sidii loo diyaarin lahaa jawi ay ku qabsoonto doorasho qof iyo cod, xor iyo xalaal ah, kana dhacda goobo kala duwan si doorashooyinka loo gaadhsiiyo inta ugu badan ee laga gaadhsiin karo dadka Soomaaliyeed. Xukuumaddu waxay mudnaanta siinaysaa diyaarinta nooca iyo hannaanka doorasho ee dalku qaadan doono. Xukuumaddaydu waxay ku dadaali doontaa in ay xal u hesho caqabadaha badan ee ku gadaaman hirgalinta doorasho qof iyo cod ah oo ay ka mid yihiin diiwaangelinta dadweynaha, tirakoobka, midaynta hannaanka doorashooyinka dalka, hirgalinta nidaamka xisbiyada iyo qabashada doorasho qof iyo cod. Sidaas darteed xukuumaddaydu waxay xoogga saari doontaa wadatashiyo abuura jawi lagu midaysanyahay oo ay doorasho xalaal ah ku qabsoomi karto. Halbeegyada Hortabinta leh: 1. Gaarista doorasho qof iyo cod, xor iyo xalaal ah oo keenta xasillooni siyaasadeed ee heerarka kala duwan ee dowladda. 2. Dardar-gelinta howlaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM). 3. Hirgalinta Nidaamka Xisbiyada badan. 4. Dimoqraadiyaynta – Dardargalinta Dowlad wanaagg

(4). Tiirka isku filnaashiyo dhaqaale, Hiigsiga xukuumaddu waa yaraynta saboolnimada, iyo gaaritaanka isku filnaansho dhaqaale. Waxaa xaqiiqa ah in saboolnimo baaxad leh ay ragaadisay dalka mudda dheer, iyada oo ay caddeyn u tahay in dadka Soomaaliyeed qiyaastii in ka badan 69% ay ku nool yihiin wax ka yar $2 doolar maalintii, 43% ay quutaan in ka yar $1 doolar maalintii. Waxaa intaa dheer, Soomaaliya dadkeedu waa dad dhallinyaro u badan, iyadoo qiyaaskii in ka badan 70% da’doodu ka yartahay 35 jir. Haddaba, saboolnimadu waxay sababtay amnidarro, gaajo, macaluul iyo in ay dhallinyaradu iskaga hayaamaan dalka ayagoo raadinaaya nolol iyo mustaqbal.

Xukuumaddu waxay awood saari doontaa sidii dib loogu soo celin lahaa kaabayaashii dhaqaale sida furitaanka jidadka, dhismayaasha buundooyinka, garoomada iyo casriyaynta dakadaha gaar ahaan kuwa ilaha wax-soo-saarka sida marsooyinka kalluumaysiga, waraabka beeraha iyo biyaha xoolaha, xoogga korontada iyo tamarta la cusboonaysiin karo kuwaas oo lafdhabar u ah kobaca ganacsiga, maalgashiga warshadaha iyo isticmaalka tiknooloojiyadda casriga ah.

Hiigsiga Xukuumaddu waa in la cirib tiro musuqa lana abuuro dhaqan dowladeed ku qotoma maamul wanaag. Dalkeennu ma horumari karo, dhaqalaheennuna ma kobci karo, isku filnaanshana ma hanan karo haddii aynaan abuurin dhaqan dowladnimo oo ka amba qaadaya maamul suubban iyo musuq-maasuq la’aan. Si loo soo celiyo wax wada-lahaanshihii ka dhexeeyay dadwaynaha iyo dowladda, loona xaqiijiyo in dib u dhiska dalka si wada jir ah looga qayb qaadanayo waa in la abuuraa jawi xaqiijinaya isla xisaabtan oo ay dowladdu gudanayso waajibkeeda adeeg ee ay shacabku xaqqa u leeyihiin. Xukuumaddu waxay xoogga saari doontaa guud ahaan la-dagaallanka musuq-maasuqa, gaar ahaan musuqa dhakhliga, kharash-bixinta, adeegga dadweynaha, iyo qandaraasyada dowladda. Xukuumaddu waxay qaadeysaa tallaabooyin cadcad oo horseedaya in dhakhliga canshuuraha oo ah hanti dadweyne soo wada gasho gacanta dowladda si loogu fuliyo adeegga loogu baahi badanyahay ee shacabka.

Hortabinnada:

  1. Horumarin dhaqaale, Nidaaminta iyo Kordhinta Dhakhliga Dalka sida: Kordhinta dakhliga ee ilaha dhaqaalaha qaranka iyo gaarista isku filnaansho miisaaniyadeed. Fulinta barnaamijka dayn cafiska (ECF). Midaynta nidaamka Dakhliga furdadaha iyo gaarista heshiiska federaalaynta maaliayadda.  Dhaqangalinta sharciga maaraynta maaliyadda dalka (PFM) Hirgalinta daabacaadda Lacagta Shilin Soomaaliga.  Iskuxirka iyo maaraynta qulqulka lacagaha iyo baananka.  Dib u eegista Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 10aad.
  2. Kobcinta Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Dalka sida: Horumarinta Wax Soo Saarka khayraadka dalka (Shidaalka, Macdanta, Beeraha, Kalluunka, Xoolaha, iwm) , Dhiirrigalinta maalgashiga dalka , Hirgalinta heshiisyada waxsoo saar wadaaga shidaalka (oil & Gas) ee dalka iyo is waafajinta shuruucda la xiriira maamulka maaliyadd , Horumarinta khayraadka badda § Dhiirrigelinta Ganacsiga Gaarka ah & dhamaystirka heshiisyada wadamada, urur goboleedyada iyo kuwa caalamka (TEPA, AfCFTA, COMMESA, WTO, etc.) , Horumarinta Tayo-dhawrka iyo gaarista hagayaasha caalamka (ISO) , Horumrinta kaabayaasha Dhaqaalaha (Dekadaha, Eerboorrada, jidadka, marsooyinka, etc.

 (5). Tiirka Horumarinta arrimaha bulshada,

  1. 1. Arrimaha Bulshada: Xukuumaddu waxa ay higsanaysaa in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursado siman oo Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, iyo horumar ka dhaqaalaha. Xukuumaddu waxa ay xal waara u keeni doontaa dhibaatooyinka qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadiisa ku baahsan, iyadoo looga faa’iidayn doono qorshayaasha ay dowladdu u dajinayso dib-u-xasilinta iyo dib-u-dhiska dagmooyinka iyo gobollada dalka.
  2. Arrimaha deegaanka: Hiigsiga Xukuumaddu waa in la xakameeyo abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalkeenna ku soo laalaabta. Deegaanku wuxuu asaas u yahay nolosha bulshada iyo horumarka dalka. Deegaankeenna wuxuu wajahaya caqabado farabadan sida nabaaad guurka, burburka dhulka, xaalufka, isbadelka cimilada, iyo dabar go’a noolaha kala duwan. Xukuumadda waxaa ka go’an inay muhiimad gaar ah siiso arrimaha ilaalinta deegaanka sida jaridda dhirta, ilaalinta qashinka, sunta lagu shubo badda iyo la tacaalidda saamaynta isbadelka cimilada (fatahaadaha iyo abaaraha). Xukuumaddu waxa ay hawlgalin doontaa Xarunta Degdegga ah ee Qaranka (National Emergency Operation Centre) oo loogu tala-galay in ay isku xirto dhammaan howlaha gurmadka u baahan ee ka abuurma masiibooyinka dabeeciga iyo kuwa biniaadan-ba. Xaruntan waxay xoojin doontaa awoodda dowladdu ay kaga jaawabayso qataraha bulshada ka soo gaara musiibooyinka dabiiciga ah

Hortabbinada: 1. Midaynta Dadaaladda Maaraynta Masiibooyinka iyo Xaaladaha Bini’aadinnimo. 2. Curinta hindisayaal shaqo abuur Qaran. 3. Horumarinta waxbarashada, tacliinta sare iyo tiknoolajiyadda. 4. Horumarinta adeegga caafimaadka ee asaasiga ah. 5. Ilaalinta deegaanka iyo yaraynta saamaynta arrimaha isbedelka cimilada. 6. Horumarinta biyaha iyo tamarta. 7. Horumarinta kartida aadanaha iyo wacyi galinta bulshada. 8. Ilaalinta iyo daryeelka bulshada. 9. Ilaalinta xuquuqda aadanaha.

6). Tiirka Soomaali heshiis la ah dunida: Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxaa saldhig u ah ilaalinta madax bannaanidda iyo siyaadada dowliga ah. Xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka waxa uu ku salaysnaanayaa ilaalinta danaha u adeegaya qaranimada, jiritaanka iyo midnimada ummadda soomaaliyeed. Xukuumaddu waxa ay xoojineysaa doorka aan ku leenahay Ururrada dowliga ah iyo kuwa goboleed oo ay ka mid yihiini Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, OIC, iwm. Sidoo kale waxaan diirad gaar ah saari donnaa xoojinta xiriirka ganacsi, maalgashi iyo horumar ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo wadamada deriska, gobolka iyo caalamka. Waxaa kale oo la xoojin doonaa iskaashiga aynu la leennahay dowladaha aan saaxiibka nahay dhanka nabadgalyada, isu socodka iyo dhaqaalaha.

Xukumaddu waxay horumarineysaa xiriir iyo siyaasad dibedeed oo ku qotonta dhowrista cahdiyada caalamiga ah ee Soomaaliya qayb ka tahay, deris wanaagga, faragalin la aanta, iyo nabad ku wada noolaanshaha iyadoo la ilaalinaayo gobanimmada, madax bannaanida, iyo midnimadda danaha dalka, iyo dadka Soomaaliyeed. Xiriirkaasi wuxuu noqonayaa mid isu dheelli tiran oo ay ka wada faa’iidaysanayaan Soomaaliya iyo dunida kale.

Hortabinnada: 1. Xoojinta siyaasad miisaaman oo ku qotonta danaha dalka. 2. Horumarinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah. 3. Xoojinta xiriirka jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Goobjoog News