U bood dhigaalka

Akhriso: Maalinta iyo Taariikhda Raadiyaha

Sheeko:Amniga

Maanta waxaa dunida oo dhan laga xusayaa maalinta raadiyaha.

Maalinta Raadiyaha Adduunka ayey Qaramada Midoobey markii ugu horeysay  ku dhawaaqday in loo dabaal-dego sanadkii 2011-kii.

Guglielmo Marconi oo ah aabaha iyo qofkii sameeyay raadiyaha ayaa ku guuleystay muddo kooban 1901-dii, maalintaa wixii ka dambeeyay waxaa uu sameeyay mowjado meel dheer laga maqlo isagoo arrinkaas ku helay1909-kii abaalmarinta Nobel-ka dhanka Physics-ka, ugu dambeyntiina Marconi oo nin talyaani ahaa 1910-dii waxaa qalabkiisa loo bixiyay magaca Radio.

Soomaaliya waxaa uu raadiyaha soo gaaray 1943-dii, xilligaas oo markii ugu horeysay la maqlay radio Hargeisa, radio Muqdishu ayaa xigay 1951-dii, dalkeena ayaa xilligaas ku jirtay gacanta gumeystaha Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Laanta Soomaaliga ee BBC-du waxa ay shaqadeeda bilawday 18-kii Luuliyo, 1957-kii, waxaana lagu bilaabey in ay hadasho toddobaadkiiba laba jeer oo min 15 daqiiqo ah, hase ahaatee, si isdabajoog ah ayaa marba loo kordhinayey muddada idaacadda ilaa ugu dambeyntii bishii Sebtember 1958-kii laga dhigey 15-kii daqiiqo ee idaacadda maalin walba.

Hadda waxaa BBC-da la dhageystaa dhowr jeer, Wariyaal ayaa u jooga Mugdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo, waxay tartan adag kula jirta FM-yada dalka. Loolan adag ayaa ka dhaxeeyay Radio Muqdishu iyo BBC-da, iyadoo tan dambe ay aad u shaqaaleyn jirtay weriyaasha ugu wanaagsan radio Muqdishu si dhageystayaal u hesho.

Waxaa kaloo dardar ku socota Idaacadda Mareykanka laga leeyahay ee VOA-da, Xilligan waxaa u shaqeeya wariyaal laga yaqaano geeska Afrika, iyadana waxay tartan kula jirtaa BBC-da ingiriiska laga leeyahay oo dhan ah iyo Warbaahinta Soomaalida oo dhanka kale ah.

Soomaaliya, Kaalinta raadiyaha waxaa ka faa’iideystay dolwaddii Maxamed Siyaad Barre iyadoo u adeegsatay waddo walba oo shacabka ku hanan karto sida Warar, Heeso, Riwaayado iyo dhammaan adeegyada raadiyaha.

Xilligii dagaalada Sokeeye, Raadiyaha waxaa uu ahaa aalad aad u saameyn badan oo inta badan si qaldan loo adeegsaday, iyadoo hogaamiye kooxeed walba uu lahaa Idaacad afkiisa ku hadasha, waxaa ay sidoo kale idaacadaha qeyb ka noqdeen dagaaladii Sokeeye.

Wejiga seddexaad ee radiyaha Soomaaliya waxaa uu galay markii ay soo baxeen idaacadaha sida gaarka loo leeyahay wixii ka dambeeyay 1998-dii, iyadoo lagu guuleystay in shacabka cod ku yeeshaan siyaasadda iyo Nabadda dalka.

Soomaaliya weli Raadiyaha waxaa uu leeyahay Dhageystayaal badan oo ku xiran, inkastoo laga yaabo in dhageystayaal badan uu Raadiyaha waayey markii ay soo baxeen TV-yada, Internet-ka iyo Mobilada.

Raadiyaha waa isha koobaad ee wararka, gaar ahaan dadka reer miyiga ah iyo bulshadeena oo lagu tiriyo bulsho maqalka ku tiirsan, waxaa dalka ka jira FM-yo dadka si aad ah u dhageystaan, saameyn ma leeyihiin waa arrin maalin kale in laga hadlo u baahan.

Weriyeyaasha Soomaalida waxaa heysta dhibaato amni, waxaa ay ku shaqeeyaan xaalad amni darro, taasi oo ka hor istaagta in ay xog helaan, ilaaliyaan sirta qofka xogta ka helaan iyo xitaa in ay ku dhiiradaan kashifaadda musuqa iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye