U bood dhigaalka

Akhriso: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Maraykanka Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaada Washington D.C. ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa dalka Maraykanka ku soo dhaweeyay wasiirka difaaca maraykanka Lloyd J.Austin.

Socdaalka madaxweynaha oo uu ujeedkiisu yahay sidii uu uga qayb gali lahaa meertada 77-aad ee golaha qaramada midoobay oo lagu wado in ay ka furanto xarunta qaramada midoobay ee New York.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filaya in uu kulama la qaato mas’uuliyiinta dalka Maraykanka, qaar kamid ah hay’adaha kala duwan ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa warbixin ka siin doonna dowladda maraykanka ammaanka dalka, abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Madaxweynaha ayaa kulamada  ugu horeeya la yeelan doona Wasiirka Difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka J. Sullivan, waxaana uu kala hadli doonoo sidii dowladda Maraykanka ay Soomaaliya uga garab siin lahayd dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa sidoo kale in uu khudbado ka jeydiyo qaar kamid ah mac-hadyada dalka Maraykanka.

Si kastaba socdaalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dalka ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah ururka alshabaab, kuwaas oo deegaanno badan oo kamid ah dalka laga xoreeyay.

Goobjoog News