U bood dhigaalka

Akhriso: Magacyada 15-ka Lagu Tuhmay Dilka Saxafiga Jamaal Khashoggi  

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii la waayey weriyihii Sacuudiga ahaa ee  Jamal Khashoggi  waxaa soo baxayey warar ku saabsan dilkiisa.

Saaka jaraa’idka Turkiga waxaa ay daabaceen 15 Sacuudiyaan ah, kuwaas oo yimid Imaaraadka iyo Masar waxaa ay saarnaayeen labo diyaarad oo kala ah; HZ SK1 and HZ SK2.

Kooxdan ayaa looga shakisanyahay In aay hilibka weriyaha boorsooyin ku qaateen maadama diplomacyiinta la baarin marka aay dal kale booqanayaa ama ka dhoofayaan.

Waa Kuwan Magacyada 15-ka Loo Doonayo Dilka Jamal Khashoggi :

Meshal Saad M Albost, Salax Muhammad A Tubaigy, Naif Xassan S Alarifi,  Muhammed Saad H Alzahrani, Mansur Othman M Abahuseyin, Khaled Aedh G Altaibi, Abdulaziz Muhammed M Alhawsawi, Waleed Abdullah M Alsehri, Turki Musharraf M Alsehri, Thaar Ghaleb T Alharbi, Maher Abdulaziz M Mutreb, Fahad Shabib A Albalawi, Badr Lafi M Alotaibi, Mustafa Muhammed M Almadani iyo Saif Saad Q Alqahtani

BBC-da waxaa ay maanta daabacday cod ka baxsan hawada, oo ay ka duubeen Jamaal Khashoggi, codkaasi waxaa uu Jamaal meesha ka saarayaa inuu dib ugu noqonayo dalka Sacuudiga isaga oo tusaale u soo qaatay nin saaxiibkiis ahaa oo ay Sacuudiga xireen.

Saxafiga Jamaal Khashoggi  ayaa la la’yahay tan iyo talaadadii hore, kolkaas uu galay qunsuliyadda ay Sacuudigu ku leeyihiin Istanbul.

Xiriirka siyaasadeed ee Turkey iyo Saudi sida uu noqon doono lama saadaalin karo balse In uu sii xumaan doono bey u badantahay iyadoo la ogyahay in uu awalba fiicneyn.

Goobjoog News