Akhriso: Magacyada Guddiga Loo Magacaabay Qaban-qaabada Maalmaha Xuriyadda
Iyada oo maalmo yar naga xigaan xuska maalmaha xuriyadda ayuu ra’isul wasaare Cali Kheyre magacaabay guddi ka kooban 10 xubnood oo loo xilsaaray qaban-qaabada xafaladaha.
Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:-
1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta. Guddoomiye
2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga. Xubin
3-C/raxmaan Ducale Beyle , Wasiirka Maaliyadda. Xubin
4- Xasan Cali Maxamed , Wasiirka Gaashaandhigga. Xubin
5-Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Amniga gudaha. Xubin
6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda. Xubin
7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka. Xubin
8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha. Xubin
9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir. Xubin
10-Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlam. Xoghaye guud
Shaqada laga rabo guddigaan
1-Inay qaban qaabiyaan Xuska maalmaha Xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo.
2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.
3-In ay jaan-gooyaan Kharashaadka ku baxaya xuska Maalmaha xorriyadda.
4-In ay magacaabaan guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka maalmaha Xoriyadda.
5-In ay sugaan Amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo ee 2018-ka.
6-In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka iyo munaasabadaha Qaran.