Akhriso: Magacyada Xildhibaannada Aqalka Sare Ee Diiday In Laga Hadlo Qalbi-dhagax, Kuwa Ogolaaday iyo Inta Ka Aamustay
Xildhibaannada Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ku kala qeyb-samay ka doodista arrintii ku saabsaneed sida ay xukuumadda Cali Kheyre ku dhiibtay Cabdikarim Qalbi-dhagax.
Guddoonka golaha aqlka sare ayaa axaddii waxaa ay isku raaceen in laga doodo arrinta Qalbi-dhagax, isla markaana go’aan laga gaaro sax iyo qalad ahaanshiyaha wixii dhacay, Laakin waxaa arrinkaasi maanta ka biyo-diiday Senatarro golaha ka tirsan.
Xildhibaannadan 21-ka ah, waa Xildhibaannaddii diiday in aqalka sare uu ka hadlo arrinta Qalbi-dhagax iyaga oo howsha gacanta u geliyay golaha shacabka.
Magacyada Xildhibaannada Diiday in Arrinta Qalbi-dhagax Laga Doodo:
- Ayuub Ismaciil Yusuf
- Iftin Xasan Mursal
- Xuseen Cali Xaaji
- Cabdisalaam Xaaji Maxamed
- Saciid Cabdi Xuseen
- Yusuf Geelle Ugaas
- Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex
- Axmed Cabdi Xafid Maxamud (Bulsho)
- Cabdi Axmed Dhuxulow
- Zamsam Ibrahim Cali
- Fartun Cabdiqadir Karaama
- Deeqa Xasan Xuseen
- Axmed Cabdi
- Abokar Axmed Xaashi
- Timiro Maxamed Cali
- Naciimo Ibrahim Yusuf
- Jawaahir Axmed Cilmi
- Cabdullahi Cabdi Garuun
- Bootaan Barre Bootaan
Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee aqalka sare Maxamed Salaad Cismaan waxaa jiray 2 Xildhibaan oo horay aan ugu jirin Liiska Senatorada ku doodayey in maanta aan laga hadlin Arrinta Qalbi-dhagax balse ku biiray liiskaas markii codka la geliyay…Labadan Xildhibaan waa:
- Xasan Faarax Xujaale
- Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan Jurille.
Dhinaca kale, waxaa jiray Xildhibaanno aqalka sare ka tirsan oo aad u jeclaa in maanta laga dodo dhiibista xukuumadda Kheyre ee Cabdikarim Qalbi-dhagax, Xildhibaannada oo 11 ahaa waxaa looga adkaaday codbixintii la qaaday.
Magacyada Xildhibaannada Taageersanaa In Laga Doodo Maanta Dhiibista Kheyre ee Qalbi-dhagax:
- Muuse Suudi Yalaxow
- Maxamed Amiin Shiiq Cusmaan
- Muna Cumar Xasan
- Axmed Xaashi
- Nuuro Faarax Jaamac
- Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)
- Maxamed Xuseen Raage(Surwaal-weyne).
- Mustaf Maxamed Qoodax
- Cabdikarim Maxamed Xasan
- Cabdirisaq Axmed Ibrahim
- Cusmaan Axmed Macow
Xildhibaannada ka Ammusay oo 4 ahaa waxaa ka mid ahaa:
- Cabdillahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
- Maxyudin Sheekh Cali Jaamac,
- Ilyaas Cali Xasan
- Zamsam Daahir Maxamud
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,